Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddani oo soo Dhaweeyay in Golaha Deegaanka Hargeysa ay xaliyeen khilaafkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waddani oo soo Dhaweeyay in Golaha Deegaanka Hargeysa ay xaliyeen khilaafkooda

Hargeysa(Qaran news)-Mudane Mukhtaar Yuusuf Axmed (Mingiste) Xoghayaha Dawladaha Hoose ee Xisbiga WADDANI ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay mudaneyaasha Golaha Deegaanka Caasimaddu ku xalliyeen khilaaf soo kala dhex galay.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku yidhi Xoghayuhu
“Masuuliyiinta Guddida Fulinta iyo Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, waxa aan ku bogaadinaya sida xilkasnimada leh ee ay u xalliyeen khilaafkii yaraa ee soo kala dhexgalay una dhammaysteen.
waxa aan ku faraxsanahay in aan aragno kulankiinna oo aad xal wada-jir ah ka gaadheen khilaafkii yaraa oo caqabad ku ahaa shaqada la idiin doortay.
Waxa aan rabaa in aan si dhab ah idiinka mahadceliyo sida ay idiinka go’an tahay in aad baahiyaha bulshadeena ka horumarisaan wax kasta.
Waxaan ku kalsoonahay inaad sii wadi doontaan shaqooyinka muhiimka ah ee adeegga bulshada. Midnimadiina iyo wada-shaqeyntiina ayaa lama huraan u ah guusha caasimadda.“

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this