Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Wakiilka Turkiga U Fadhiya Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha UCID oo ka Hadlay Kulan uu la Yeeshay Wakiilka Turkiga u Fadhiya Somaliland
GHVfF-pXoAAKLeO.jpeg

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uu kulan la yeeshay Wakiilka Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Md. Levent Ceri.

Sidaasna waxa uu ku sheegay farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter)-ka. Waxaanu sheegay inuu kala hadlay isfahamkii ay dhawaan wada galeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya. Waxa kaloo uu la soo qaaday qoddobo kale oo ku wajahan mandaqada.

Farriintaasina waxa ay u qornayd sidan:-

“Waxa aan maanta kulan la qaatay Wakiilka Turkiga ee Somaliland Md. Levent Ceri, annaga oo ka wada hadalnay xaaladda guud ee Geeska Africa, Isfahamka dhexmaray JSL iyo Ethiopia,heshiiska Xasan Sheekh iyo Turkiga iyo Doorashooyinka Somaliland.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this