Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: A/Madoobe iyo Safiirka QATAR oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Villa Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
429807422_724621963181775_88168814516982

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wada-shaqeyntooda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa uu guddoomiyuhu xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka, xilli ay dhawaan labada dhinac heshiis is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.

Heshiiskan oo salka ku haya dhinaca sharciga ah ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, maadaama dood xoogan ay ka taagan tahay dhameystirka dastuurka oo uu ku howlan yahay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkaas ayaa sidoo kale ka turjumaysa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

429816483_724621976515107_34198694674987

429807422_724621963181775_88168814516982

429801377_724621936515111_84056133781380

430097716_724622159848422_83646818437313

430081525_724622039848434_78466486150747

430076359_724622009848437_59444299820869

The post Sawirro: A/Madoobe iyo Safiirka QATAR oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Villa Hargeysa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this