Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir lagu Bilaabayo Daraasada Waddada isku Xidhaysa Hargeysa-Oodweyne iyo Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20240226-WA00011.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa kulan lagu bilaabayo shaqada diyaarinta bilawga Daraasada Mashruuca Wadada Hargeysa-Oodweyne-Burco oo maalgelintiisa leedahay Baanka Horumarinta Afrika(AFDB).

Kulankan ayaa waxa kasoo qaybgalay Guddida Mashruucaasi maamusha, Shirkadda ku guulaystay Mashruucan ee STUDI INTERNATIONAL iyo Shirkadda ILS Group oo wada shaqayn la leh shirkadaasi.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Saleebaan Cawad Cali oo kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirkadan mashruucan ka masuulka ah una rajeeyay in ay sida ugu hufan heshiiskan daraasada uga soo dhamaystiri doonaan iyo waqtigiisaba.

Maxamed Xaashi oo ka socda ILS Group iyo Gudoomiyaha Shirkadda Studi International Maxamed Majdi ayaa iyaguna dhankooda balanqaaday in ay ku fulin doonaan daraasadan waqtigii loogu talogalay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this