Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Guruuje : “Haddii Kursiga Maayarka la Taab-taabto Isu soo Baxa Annigaa idinku Hoggaaminayee

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Guruuje : “Haddii Kursiga Maayarka la Taab-taabto Isu soo Baxa Annigaa idinku Hoggaaminayee”

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje), ayaa sheegay in kursiga Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge cidda baayacdaa ay ka dhigan tahay cid masaajid baayacday.
Xildhibaan Guruuje, ayaa cambaareeyay wararka sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Harrgeysa ay wadaan mooshin ay xilka kaga qaadayaan maayarka caasimadda Hargeysa.

“Waxaan leeyahay haddii kursiga Maayarka la taabtaabto anigaa idinku hoggaaminayee isku soo baxa, waxaynu ahayn intii aanu Cabdikariim Axmed Mooge Iman dad ku dhex nool gudaafad xashiish,”ayuu yidhi Xildhibaan Guruuje.
Xildhibaan Guruuje wuxuu sheegay wax ummaddu ku yiddiilato, waxa jira horumarkaas ay samaynayso caasimadda Hargeysi.

“Madaxweyne kollay waxa lagugu xasuusan doonaa in gacantaada ay ka baxday Laascaanood ee yaanay Hargeysina kaa bixin,”ayuu yidhi Xildhibaan Guruuje.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this