Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Howl-gal culus oo ka socda aagga Xarardheere iyo Shabab badan oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
DEG-DEG.png?fit=1000%2C522&ssl=1

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in howl-gal culus uu ka socdo deegaanka Baraag Cali-gaduud.

Cali-gaduud ayaa waxay 40 KM u jirtaa degmada Xarardheere, waxaana maanta howl-gal wada-jir ah ka fuliyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ee Macawiisleyda.

Ciidamada huwanta ayaa waxay howl-galkaan ku dileen Shabaab badan, illaa haddana waxaa la xaqiijinaya dhimashada toban ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha la dilay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen maleeshiyaad lagu aruurinayey degaankaas, ayna kooxda u diyaarineysay howl-gal ka dhanka ah ciidamada.

Ciidanka howl-galka fuliyey ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii Shabaab-ka, waxaana wali socda howl-gal ay ciidanka ku baacsanayaan xubnihii ka badbaaday howl-galkaan.

Howl-galkaan culus ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay hoos u dhaceen howl-galladii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, marka laga tago duqeynta cirka iyo deegaano kooban.

Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxay kooxda ku weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.

Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa la dardar-gelinayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo ka xoog badnaan doona ka hore.

The post DEG DEG: Howl-gal culus oo ka socda aagga Xarardheere iyo Shabab badan oo la dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this