Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Kiiska Sayid Cali oo ku eedaysan in uu gubay xaaskiisa oo maanta mar kale maxkamadu u fariisanayso

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiye-Maxkamadda-12.png?resize=786%

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhegeysiga dacwad ciqaabeed uu eedeysane ka yahay Sayid Cali Macallim Daa’uud oo horay u gubay Xaaskiisa oo uur lahayd.

Sayid Cali Macallim Daa’uud ayaa 26 kii January, 2024, degmada Dharkenley nolosha ku gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd xaaskiisa oo uur lahayd, ugu dambeyna u geeriyootay iyada iyo ilmihii yara ee caloosha ay ku sidday.

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Eedeysanaha gacanta kusoo dhigay 05-02-2024 xilli uu ku dhuumaalaysanayay meel u dhow degmadda Wisil ee gobolka Mudug.

Maxakamadda Gobolka Banaadira ayaa saaka lagu wadaa in xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya dhibanaha ay hor keenaan maxkamadda caddeymo iyo marqaatiyo dhameystiran.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Kiiska Sayid Cali oo ku eedaysan in uu gubay xaaskiisa oo maanta mar kale maxkamadu u fariisanayso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this