Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biden oo la kulmaya mas’uuliyiinta u sarraysa Koongareyska Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
18b9933d-e987-4cdf-88f6-660d9b7c8992_w40

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kulan ka dhacaya Aqalka Cad maalinta berri ah isugu yeeray afarta masuul ee ugu sarreeya labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka.

Kulankan ayaa sida laga soo xigtay sarkaal ka tisan Aqalka Cad, oo magaciisa qariyay, waxaa madaxdan iyo madaxweynuhu ay ku gorfeynayaan gargaarka deg degga ah ee Ukraine iyo Israel iyo sidii looga fogaan lahaa in howlaha dowladdu ay istaagaan bisha soo socota ee March.

Afartan hogaamiye ee uu u yeeray Madaxweyne Biden ayaa waxay kala yihiin Afhayeenka Aqalka hoose ee Kongareeska Mike Johnson, hogaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Senateka Chuck Schumer, hogaamiyaha mudanayaasha Dimuquraadiga ee Aqalka Hoose Hakeem Jeffries, iyo hogaamiyaha Jamhuuriyiinta ee Aqalka Senateka Mitch McConnell.

Aqalka hoose ee ay ku xoogganyihiin Jamhuuriyiinta ayaa cadaadis badan kala kulmaya sidii uu u meel marin lahaa lacag gaareysa 95 bilyan oo dollar ah oo lagu bixinayo Ukraine, Israel iyo arrimo kale oo hortabin u leh amniga Qaranka Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biden oo la kulmaya mas’uuliyiinta u sarraysa Koongareyska Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this