Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Arrimaha Sharciga

Recommended Posts

Deeq A.   
4074b21d-60af-46b0-89cf-b7dc0b3a7207-860

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo Wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid ka turjumayaa danaha labada dal ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradyada.

Sidoo kale, waxay sheegtay in labada dhinac iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda iyo aqoonta sharciyaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Munaasabadda saxiixa is-afgaradka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Qatar ayey labada Wasiir kulan gaar ah oo ay ku qaateen uga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga Cadaaladda ee labada dal,dhameystirka dastuurka Soomaaliya ,dhismaha cadaaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhanka sharciga.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Arrimaha Sharciga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this