Sign in to follow this  
Deeq A.

Quwadaha waaweyn mowqifkooda dhabta ahi wax uu u janjeedhaa dhanka taageeridda isfahanka Somaliland iyo Itoobbiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa cad:

1. Is afgaradkii Soomaalilaand iyo Itoobbiya wax uu dhaqaajiyay biyo fadhiyay, murankii Geeska Afrika ee maxalliga ahaana wuu caalamiyeyay.

2. Quwadaha waaweyn mowqifkooda dhabta ahi wax uu u janjeedhaa dhanka taageeridda isfahankaas.

3. Ingiriiska iyo dawladaha taabacsani dhab ahaan waa ay oggol yihiin dawladnimada Soomaalilaand laakiin waa in la bisleeyaa.

4. Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya wax uu u dhacay si kedis ah oo aan la ga baaraandegin duniduna la yaabtay qaabdarradiisa (10 cisho oo keliya ayay Soomaaliya wax walba miiska ku soo dul daadisay taas oo Turkiga filanwaa ku noqotay).

5. Heshiiskan dambe wax uu kale oo ka fajiciyay oo dareenkooda dhaqaajiyay dhammaan dawladaha reer galbeedka.

6. Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya, la gu daray heshiiskii Soomaalilaand iyo Itoobbiya, la gu sii daray halista Xuutiga ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, la guna sii daray damacyada Shiinaha iyo Ruushka, reer galbeedku wax ay qarka u saaran yihiin in ay Soomaalilaand aqoonsadaan, is la markaa isbeddel ku sameeyaan khariidadda gobolka.

7. Aragtidayda, sannadkan 2024 wax uu rimman yahay isbeddello waaweyn oo khuseeya gobolka soomaalidu degto.

FIIRO! Qish yar oo masaladaa ku saabsan ka akhriso maqaalka uu maanta Aljazeera ku faafiyay suxufiga khabiirka ah ee reer Turki, Kemal Öztürk.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this