Jacaylbaro Posted August 23, 2007 Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Iyo Wefti uu hogaaminayo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani Iyo Hogaanka Tababarka Ciidanka ayaa galabta u mbo-baxay Dalka Itoobiya oo uu martiqaad ka helay. Wegtigan Madaxweynaha Somaliland oo aan la sheegin mudada ay wadankaasi ku sugnaanayaan,waxa dhabada diyaaradaha ee Magaalada hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne ku Xigeenka JSL Mudane axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno ka tirsan sadexda gole Qaran. Madaxweyne Rayaale oo intii aanu u kicitimin Itoobiya Saxaafada wax yar kula hadlay Madaxtooyada ayaa waxa uu yidhi “Safar shaqo , ayaan u baxayaa oowaxaan tegayaa dalka Ethiopia oo aan martiqaad kala helay, wixii faahfaahin ah markaan soo noqdo , ayaan idinn sheegi doonaa”. Madaxeynaha Somaliland waxa uu markii u horeysay daboolka ka qaaday inay ku camal falayaan Go’aamadii Gudigii dhexdhexaadinta ee madaxa banaanaa ay habeen hore ka soo saareen khilaafkii golayaasha Qaranka ee salka ku hayay murankii labada xubnood ee Komishinka Doorashooyinka,iyo miisaaniyad sanadeedkii 2007 ee Aqalka wakiiladu wax ka bedelka ku sameeyeen. Madaxeynuhu isagoo go’aamadii gudiga ka hadlayay waxa uu yidhi “ arrimahaas sidii loo qaatay, ayaanu u fulinaynaa, dhinacyadii ay khusaysayna sidood ayey u qaadanayaan ayaan rajaynayaa”. Madaxeyne Rayaale kama uu hadlin ujeedada socdaalkiisa xiligan ee wadanka Itoobiya,mana jiro wax war ah oo ay ka soo saartay Xukuumadu,hase yeeshee waxa uu sheegay inuu warbaahinta u warami doono marka uu dalka ku soo guryo noqdo. Quote Share this post Link to post Share on other sites