Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay sababi gaadhay shil diyaaradeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa sheegtay in ay isku dhici gaadheen diyaarado laga leeyahay Qatar iyo Itoobiya, kadib markii ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay siisay amar khaldan diyaarada Qatar Airways.

Qoraal kasoo baxay Hay’ada duulista Somaliland, ayaa lagu sheegay in shalay abaaro 12:32 duhurnimo ay isku dhici gaadheen labada diyaaradood kadib markii diyaarada  Qatar Airways oo ku duulaysay 38000ft ay hagayaasha Muqdisho u sheegeen in ay korto 40,000feet.

Qoraalku waxa uu intaa ku daray in ay Qatar Airways ku dhici gaadhay diyaarada Itoobiya oo ku duulaysay joog dhan 39000ft, lakiin waxay Somaliland sheegtay in qalabka diyaaradaha ku xidhan ee digniinta siiyaa uu bad baadiyay.

“Maanta Abaaro 12:32 pm Africda Barri, Waxaa Diyaardda ay leedahay  Qatar Airways duulimaadkeeduna ahaa (Qatari 6U) oo ka timi Dooxa kuna socatay (Entebbe) kuna duulaysay Joog ah (38000ft) ay si khaldan usiiyeen controllers ka Muqdisho inay korto 40,000feet.

Waxay diyaarada isku beegnaayeen oo iska hor imanayeen  Diyaarad ay leedahay shirkada  Ethiopian Airlines oo flight number keedu ahaa (Ethiopia 602) taas oo katimi Addis kuna socotay Dubia ,joogeeduna ahaan (39000ft)   Diyaarada Qatari ayaa  ku dhici gaadhay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee ka saraysay.

Laakiin nasiib wanaag qalabka Diyaaradda ku xidhnaa ee loo yaqaan TCAS(Tiikas)( traffic avoidance collision system)  ayaa  digniin Deg deg siyay una sheegay  jooga la siiyay inay ku jirto Diyaaradda kale, qalabkaas ayaa ku amaray diyaarda  Qatar inay aanay fuulin level kaas ama jooga 40,00ft.

Diyaaraduhu waxay isu jireen masaafo khatar badan , waxase kala badbaadiyay qalabkaaas ku xidhan labada diyaaradood.

Waxaad dhagaysan kartaa labadii kabtan oo wada hadlaya oo sheegaya in muqdisho qalab xumaaday ka siiyeen awaamiir khaldan waxayna balan qaaadeen inay gudbin doonaan  warbixin (report) hayaddaha shaqada ku leh.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this