Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Wiil Bajaajle ahaa oo sabab yaab leh loogu dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
b6844166-711b-471a-b206-1eeb9a225004.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo xalay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada Booliska uu ku dilay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh ayaa wade mooto Bajaajle oo ka shaqeeya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sababta loo dilay marxuumka ayaa lagu sheegay inay tahay nalka mootada oo uu ku shidan askariga, kadibna uu sidaas xabad ugu dhuftay.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sidoo kale sheegay in wiilkooda inta aan la dilin kahor la caayay hooyadiis, kadibna la toogtay .

“Hooyadiis ayuu caayay nalga iga dami ayuu yiri war nalka kaa daminaa ee hooyadey ha caayin hooyadaa waa caaynaa ee maxaa tahay adiga? kadibna wuu dilay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Nin weyn oo reer leh oo xaas leh in la yiraahdo hooyadaa maxaa dhaantaa? waa caaynaa haddana xabad madaxa looga dhuftay kolley arrintaas waa arrin ula kac ah oo kibir ah”.

Aabaha marxuumka ayaa sidoo kale ka hadlay dilkan argagaxa leh ee xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna sheegay in ninka dilay uu yahay sarkaal Boolis ah.

“Igaarkeyga waxaa dilay nin ka gar daran hadane ah nin ciidan ah haddane aan ahayn nin dabley ah ee ah nin mas’uul ah oo darajo leh” ayuu yiri Aabaha marxuumka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in maydka ay galiyeen Firinjeer, ayna sugayaan cadaalad iyo in lasoo qabto eedeysanaha.

“Firinjeer ayuu ku jiraa waxaan sugooyaa cadaalad, mana aasayo inta laga soo qabanayo ninka dilay wiilkeyga”

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay dilal iyo dhacdooyin kale oo argagax leh, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyed.

The post Daawo: Wiil Bajaajle ahaa oo sabab yaab leh loogu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this