Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay korortay tirada Carruurta looga tagayo Isbitaallada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708839442963.jpg?resize=640%2C36

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay korortay tirada carruurta looga tagayo isbitaallada iyo waddooyinka Muqdisho.

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Soomaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay sii kordhayso tirada carruurta laga dhuumanayo inta dad kale loo dhiibo.

Inta la xaqiijiyay sannadkii tegay ilaa 53 carruur ah oo 25 ka mid ah ay gabdho yihiin ayaa hooyooyinkii dhalay ay uga dhex-dhuunteen goobo kala duwan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in caruurtaasi qaarkood lagu wareejiyay dad ay u oggalaatay dowladdu inay korsadaan halka kuwa kalana lagu koriyo goobo gaar ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay korortay tirada Carruurta looga tagayo Isbitaallada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this