Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay Haramcad yar oo geeriyooday markii la soo badbaadiyay kadib

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708850831687.jpg?resize=720%2C54

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay Haramcad yar oo ka dhintay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu yiri “Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada waxay ka xuntahay haramcad ka dhintay”.

Wasaaradda Degaanka ayaa sheegtay in Haramcadka geeriyooday uu kamid ahaa saddex xabo oo dhal Haramcad ah kuwaas oo laga soo badbaadiyay dad ugaarsanayay.

“Waxay Wasaaraddu aad uga xuntahay in sadexdii harmacada ee dhasha ahaa ee la soo badbaadiyay uu mid kamid ah dhintay xalay,Taas oo ay sababtay xaalada harmacadka dhintay oo aad u liidatay caafimaad ahaan iyo nafaqo ahaanba, layskuna dayay in la badbaadiyo.
laakin dadaal dheer kadib  ugu danbayntii uu dhintay”.

Halkaan ka akhriso qoraalka Wasaaradda

GAROOWE:  25-02-2024 Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada waxay ka xuntahay haramcad ka dhintay.

Wasaaradda deegaanka,Daaqa iyo isbedelka cimilada  waxay 17.02.2024 Magaalada Galkacyo ka soo badbaadiyay Sadex xabo oo haramacad dhal ah(Cheetah Cubs),

kadib Markii koox reer Miyi ah soo qabsadeen Haramacadkaas dhasha ah kana soo ka xaysteen hooyadood iyadoo u jeedkoodu ahaa inay gataan.

Haramcad kan dhasha ah waxay soo qaateen qiyaastii iyaga oo jira wax ka yar labol asbuuc, xiligan oo kale waa kuwo aad u nugul oo ay sahlan tahay in ay dhibaato soo gaadho, Maxaa yeelay wax caano ah kama aysan soo nuugin hooyadood.

Waxay Wasaaraddu aad uga xuntahay in sadexdii harmacada ee dhasha ahaa ee la soo badbaadiyay uu mid kamid ah dhintay xalay,Taas oo ay sababtay xaalada harmacadka dhintay oo aad u liidatay caafimaad ahaan iyo nafaqo ahaanba, layskuna dayay in la badbaadiyo.
laakin dadaal dheer kadib  ugu danbayntii uu dhintay.

Waxaa xaalad wanaagsan ku jira labadii haray, iyaga oo Wasaaraddu dadaal ugu jirto sidii loo xanaanayn lahaa.

Ka ganacsiga sharci darada ah ee duurjoogta waa Danbi qaran(Illegal wildlife Trade) cid kasta oo ku howlan waxaan u sheegaynaa in ay howshaan faraha kala baxaan, Dhamaan xeerarka ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta waxay cadaynayaan in aan laga ganacsan Karin dhamaan khayraadka dibiiciga ah ee dalka sida dhirta, iyo dhamaan duurjoogta dalka.

Waxaan ku war galinaynaa dhmaan laamaha amaanka dowlada Puntland in layska kaashado sidii wax looga qaban lahaa Danbiyada la xiriira Deegaanka iyo Duurjoogta.

DHAMAAD

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka hadashay Haramcad yar oo geeriyooday markii la soo badbaadiyay kadib appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this