Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo soo Bandhigtay Khalkhal Soomaaliya ku samaysay Diyaarado

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland oo soo Bandhigtay Khalkhal Soomaaliya ku samaysay Diyaarado
426860864_1132457564854971_4065344512923
Hargeysa(Qaran news)-Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay khalkhal ay Hay’adda Duulista Soomaaliya ku samaysay laba diyaaradood oo laga kala leeyahay Itoobiya iyo Qatar.

Sidaasna waxay ku sheegeen qoraal Hay’adda Duulistu soo saartay oo u dhignaa sidan:

“Maanta Abaaro 12:32 pm Africda Barri, Waxaa Diyaarada ay leedahay Qatar Airways duulimaadkeeduna ahaa (Qatari 6U) oo ka timi Dooxa kuna socatay (Entebbe) kuna duulaysay Joog ah (38000ft) ay si khaldan u siiyeen controllers ka Muqdisho inay korto 40,000feet.

Waxay diyaarada isku beegnaayeen oo iska hor imanayeen Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo flight numberkeedu ahaa (Ethiopia 602) taas oo ka timi Addis kuna socotay Dubia,joogeeduna ahaan (39000ft) Diyaarada Qatari ayaa ku dhici gaadhay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee ka saraysay.

Laakiin nasiib wanaag qalabka Diyaaradda ku xidhnaa ee loo yaqaan TCAS(Tiikas)( traffic avoidance collision system) ayaa digniin Deg deg siiyay una sheegay jooga la siiyay inay ku jirto Diyaaradda kale, qalabkaas ayaa ku amray diyaarada Qatar inay aanay fuulin level kaas ama jooga 40,00ft.

Diyaaraduhu waxay isu jireen masaafo khatar badan, waxase kala badbaadiyay qalabkaaas ku xidhan labada diyaaradood.

Waxaad dhegaysan kartaa labadii kabtan oo wada hadlaya oo sheegaya in Muqdisho qalab xumaaday ka siiyeen awaamiir khaldan waxayna ballan qaaadeen inay gudbin doonaan warbixin (report) haya’ddaha shaqada ku leh.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this