Sign in to follow this  
Deeq A.

Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa oo Baadhaya Meydkii Cabdinaasir Muuse Dahable

Recommended Posts

Deeq A.   

Cisbitaalka Guud oo Baadhaya Meydkii Cabdinaasir Muuse Dahable

Hargeysa(Qaran news)- Alle ha u naxariistee Meydkii Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa laga soo dejiyay madaarka Hargeysa.

Waxa meeydka Madaarka kaga hortagay Wasiirro, Xildhibaanno, Murashaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI, qoyskii marxuumka iyo dadweyne kale.

Waxa la geeyay meydka cisbitaalka Hargeysa, halkaasi oo maamulka cisbitaalku ay sheegeen inay baadhis qoto-dheer ku samaynayaan oo ay la wadaagi doonaan warbixintooda warbaahinta.

Warku wuxuu intaas ku daray in lagu aasi doono marxuumka magaalada Gabiley oo qoyskiisu degan yahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this