Sign in to follow this  
Juje

And the Rift Continues..!

Recommended Posts

Juje   

Wasiirka Dib-u-heshiisiinta oo sheegay in Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu ku dhamaaday Musuq-maasuq iyo Cadaalad-darro

 

Sabti, October 06, 2007(HOL): Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu soo gebagebeeyay Magaalada Muqdisho uu ku dhamaaday musuq-maasuq iyo Cadaalad-darro.

 

Wasiirka oo maanta waxqabadka Wasaaraddiisa ka hor-jeedinayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Wasaaraddiisa aysan waxba kala soconin waxyaabihii shirkaas looga hadlay, isagoo dhinaca kalena sheegay in ay soo gaareen cabashooyin ka imaanayay qaar ka mid ah ergooyinkii shirka ka qeybgalay, kuwaasi oo ka cabanayay in aan la tixgelin fikirkooda.

 

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in la lunsaday dhaqaalihii loogu talagalay in shirkaas lagu socodsiiyo, sidaas darteedna wuxuu Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in baaris lagu sameeyo sidii loo qabtay shirkaas.

 

Ergooyin badan oo ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa markii shirkaas la soo gebagebeeyay waxay sheegeen in aan la siinin dhaqaale loo ballanqaaday, halka qaar kalena ay sheegeen in la siiyay lacag ka yar tii ay sugayeen.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in lacag dhan 8 Milyan oo Doollar oo loogu talaglay shirkaas in uu lunsaday Guddigii shirka maamulayay, isagoo ku baaqay in dabagal lagu sameeyo sidii loo maamulay dhaqaalahaas.

 

Ugu dambeyntiina, Hadalka uu maanta sii daayay Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in uu guul ku dhamaaday Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo dhowr boqol oo ka mid ah Ergooyinkii shirkaas ka qeybgalayna la geeyay Masjidka Xaramka, iyadoo sababta halkaas loo geeyayna ay ahayd in ay soo ballanqaadaan in ay fulinayaan heshiisyadii shirkaas lagu gaaray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this