Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Hirshabeelle iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya oo shir gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708756137205.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.

Waxaa kale oo ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga  dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino.

Sidoo kale waxa ay warbixinta kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500-kun oo ruux ay ku saameysay Dowladda Hirshabeelle iminkana waxaa taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

PUNTLAND POST

The post Madaxda Hirshabeelle iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya oo shir gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this