Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo la Kulmay Wasiir kuxigeenka Khaarajiga Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo la Kulmay Wasiir kuxigeenka Khaarajiga Taiwan
IMG-20240223-WA0004.jpg8
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha JSL Mudane Raabi Cabdi Maxamed oo Ku Guda Jira Safarkiisii Shaqo ee ku joogay dalka Taiwan ayaa maanta kulan la qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Taiwan Mr Remus Li-Kuo Chen iyo sidoo kale Agaasimaha guud ee Kalluumaysiga Dr Chih-Sheng Chang

Madaxda Labadda Dal ayaa ku dheeraaday xidhiidhka Qotoda dheer ee ka dhexeeya labadda dal iyo sida ay iskaga kaashadaan horumarka dhaqan dhaqaale ee labadda dal

Sidoo kale wasiirka ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay maalgashiga iyo horumarinta kalluumaysiga iyagoo isla qaatay inay maalgashi dhinaca kalluumaysiga ah ka hirgaliyaan Somaliland iyo sidoo kale tobobaro dhinaca kalluumaysiga ah oo lasiiyo shaqaalaha wasaaradda kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland iyadoo tobobaradaasi ka kala dhici doonaan labadda dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Taiwan oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inuu xooga saari doono sidii ay u fulli lahaayeen mashaariicdaasi.
Kulanka Waxa goob joog ka ahaa Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji

Dalka Taiwan ayaa ah dal ay xidhiidh Saaxiibtinmo oo soo jireena leeyihiin somaliland iyagoo labadda dal iska kaashadda mashaariico doora oo u badan dhinaca horumarka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this