Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo soo dhaweynaya Urur siyaasadeedyo ku soo biiraaya iyo kuwo xilal ka hayn jiray xukuumadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo soo dhaweynaya Urur siyaasadeedyo ku soo biiraaya iyo kuwo xilal ka hayn jiray xukuumadda

Hargeysa, (Qaran news)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa 25ka bishan xaflad soo dhaweyn ah u sameynaya siyaasiyiin kala duwan oo go’aansaday inay ku biiraan xisbigaas.

Siyaasiyiinta xisbiga WADDANI soo dhaweynta u samaynayo, waxa ka mid ah Guddoomiyihii urur siyaasadeedkii UBAX Saleebaan Daahir Dogox iyo Gudfoomiyihii uryr suyaasadeedkii daljir Baashe Cabdi Gaboobe.

Sidoo kale waxa ka mid ah siyaasiyiin ka soo digo rogtay xisbulxaakimka KULMIYE oo taageeradooda ku biirinaya xisbiga ugu taageereyaasha badan axsaabta ee WADDANI.

Waxa iyana jira xubno culculus oo xilal ka soo qabtay xukumada Muuse iyo tii Siilaanyaba oo oo wada hadalo u furmeen xisbiga Waddani kuwaasi oo iyana lagu waddo in ay xisbiga Waddani ku biiraan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this