Sign in to follow this  
General Duke

Puntland President inspects troops in front lines.[Bandiradlay]...

Recommended Posts

Gaalkacyo: Madaxwaynaha Puntland oo kormeeray jiidaha dagaalka ee gobolka Mudug.

Arbaco, November 15, 2006

 

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) ayaa kormeero hawleed ku tagay xeryaha ciidamada ee gobolka Mudug.

 

Madaxwayne Cadde ayaa waxa uu kormeer ku tagay xeryaha Dagaari, Saxa qurun, Saddex higle iyo Duleedka Bandiiradleey.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu halkaasi war bixin kaga dhagaystay saraakiisha ciidamda ee ku sugan jiidda hore isaga oo ku booriyay in ay ku dadaalaan difaaca dalka iyo diinta.

 

Waxa uu madax waynuhu ku booriyay ciidamda Puntland in ay difaaca Puntland adkeeyaan, isaga oo sidoo kale sheegay in xukuumadda Puntland ay ku daadayso in ay wax walibaa u hurto difaaca Puntland.

 

Waxa uu madaxwayne Cadde salaan ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan jidda hore ee dagaalka gobolka Mudug.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa horay waxa uu maalintii shalay kormeero ku tagay xeryaha ciidamada ee gobolka Mudug.

 

Waxa ay arrimahani ku soo aadayaan iyada oo xaalad dagaal ay ku sugan tahay koonfurta gobolka Mudug.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

JEN. CADDE MUUSE OO SI DEG DEG AH U GAARAY AAGA AY CIIDAMADIISA ISKU HOR FADHIYAAN KUWA MAXKAMADAHA ISLAAMIGA

 

Jen. Cadde Muuse

 

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa si kormeer deg deg ah ugu ambabaxay aaga hore ee ay ciidamdiisa isku hor fadhiyaan kuwa maxkamadaha Islaamiga ee dhowaan la wareegay gacan ku haynta deegaanka Bandiiradleey.

Socdaalka Jeneralka ayaa lala xiriiriyay in uu dhiiragelinayo ciidamadiisa ku sugan halkaasi ee is hor fadhiya kuwa Maxkamadaha Islaamiga, weriye la socday madaxweyane Cadde ayaa wuxuu u sheegay goobjoog.net in uu dhiirigelinayay ciidamada Puntland, isagoona kula dardaarmay in ay adkeeyaan difaaca deegaannada Maamul gobolleedkiisa.

 

Jen. Cadde Muuse ayaa waxa uu ka waday maamul gobolleedkiisa maalmihii la soo dhaafay abaabul ciidan iyo isku shaandheyn uu ku samaynayay taliyayaasha ciidamadiisa, inkastoo uu shalay xilkiisii uu ka xayuubiyay taliyihii ciidamada Booliiska Puntland Yuusuf Axmed Cali Qeyr isla markaana uu ku beddelay G/Sare Saciid Cali Xaaji, warar hoosena waxay sheegayaan in wafdiga la socday Madaxweynaha ee gaaray agagaarka Bandiiradleey ay la socdeen saraakiil Itoobiyaan ah.

Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin).

E-mail: webmaster@goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandiiradley: 15-11-06 {Allmudug.com}

 

Madaxwaynaha Puntland oo saaka booqday Jiida hore ee Bandiiradley.

 

Allmudug.com 15-11-06:- Madaxwaynaha DG Puntland Gen. Maxamud Muuse Xirsi Boqor iyo ciidamo badan oo galbinayay ayaa saaka booqday Jiida hore ee Bandiiradley Madaxwaynaha oo ay safarkiisa ku weheliyeen Wariyayaasha Jiida hore Uga soo warama Shabakada Warbaahinta Allmudug Cabdinur Mohamed Seeraar iyo Farxaan yaasiin mire ayaa booqday dhamaan goobaha ay fadhiyaan ciidamada Daraawiishta.

 

Madaxwaynaha ayaa wuxuu shir aan caadi ahayn la qaatay dhamaan madaxda ciidamada Daraawiishta oo uu ku jiro Taliyaha Guud ee Daraawiishta Coll. Cali Mire Carays iyo saraakiil badan oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta sida Xiif Cali Taar, Maxamuud Muuse ilka dheere iyo xubno badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin.

 

Kulankan oo mudo afar saac iyo bar ah si toosa ugu socday Madaxwaynaha iyo Saraakiisha ciidamada ayaa looga hadlay arimaha Ciidamada iyadoo markii kulan kaasi dhamaaday Madaxwaynuhu dib ugu soo laabtay Gobolka Mudug arimaha ay ka wada hadleen Madaxwaynaha iyo Saraakiisha ciidamada ayaan saxaafadu waxba kala socon sida caadiyan lagu yaqaan kulamadan oo kale maadaama ay ahaayeen arimo quseeya Ciidamada oo qura.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo gaaran Deegaanka Bandiiradleey.

 

Garowe, Arbaco, 15 Nov 06 Simba Radio

 

Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Cadde Muuse ayaa maanta gaaray afka hore ee Degmada Bandiiradleey.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalameen Degmada Bandiiradleey ciidamo kala taabacsan Maxkamadaha Islaamiga iyo Maamul Goboleedka Puntland.

 

Madaxweyne Cadde Muuse ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay Mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland sida Baarlamaanka iyo Xukuumada.

 

Madaxweynaha Puntland Cade Muuse markii uu gaaray Bandiiradleey waxa uu salaam ka qaatay Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee ku sugan aaga hore.

 

Illo-wareed ku sugan Deegaankaasi ayaa sheegaya in Jeneraal Cadde Muuse uu halkaasi kulamo kula qaatay Saraakiisha ciidamada Puntland ee jiida hore ee dagaalka.

 

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa laga dareemayaa Deegaanka Bandiiradleey saan saan colaadeed oo ay wadaan laba garab oo xiligaan isku diyaarinayaan dagaal ay galaan.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cadde Muuse Boqor iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal lama filaana ku tagay Jiidda hore ee Bandiiradleey.

 

Bandiiradley, Arbaco, Nov. 15, 2006 Waagacusub.com

 

 

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Jeneral Cadde Muuse Boqor ayaa socdaal lama filaana ku tagay Jiidda hore ee Bandiiradleey oo ay ku sugan yahiin Ciidamadda maamulkiisa iyo kuwa Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

 

Jeneral Cadde Muuse ayaa halkaas kula hadlay Ciidamo kun iyo dhoowr boqol ah,wuxuuna u sheegay in Ciidamadda Maxkamadaha yahiin dad caadiya,rasaastana loo siman yahay,sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la iska caabiyo,waxa uu ugu yeeray Orromadda iyo Ereteriyaanka Isbiirsaday ee Jihaadiyiinta xagjirka horkacayaan.

 

“ Hadii aan ka cararno Puntland,anigu runtii ma garan karayo meel aan u cararno ,oo maanta aan gabaad ka dhigano,sidaasi darteed waa inaan goboladeena difaacana ilaa midkeena ugu dambeeyo,uu ka geeriyoonayo”ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse boqor oo dhinaca kale ku dhawaaqay inuu isaga shaqsi ahaan hogaamin doono Ciidamadda.

 

Cadde Muuse oo ay wehliyeen Mas’uuliyiin u dhashay beelaha ,**********,Sacad,*********** iyo ******** ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay,ku sugnaa Gaalkacyo,waxaase dad badan la yaab ku noqotay sida uu ugu dhiiraday inuu yimaado ,meel 4KM oo qura u jirta fariisinka Ciidamadda Maxaakiimta.

 

Si kastaba ha ahaatee Jeneral Cadde Muuse iyo wafdiga la socda ayaa bacdul Salaadda maqrib lagu wadaa inay booqdaan fariisamaha Ciidamadda kale ee Sedex Higlo,Dagaari iyo Laan waaleey.

 

Madaxweynaha waxaa la socda Ciidamo saaran gawaari dagaal oo boqol iyo konton ka badan,kuwaas oo la sheegay inay u badan yahiin Ciidamaddii Jiidda hore ee Adhi Cadeeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^From different angels Mr Jaylaani, Puntland sources such as Allpuntland, Allmudug and Clan court sources, Waagacusub.com [very anti Puntland]Goobjoog.net. Thus not from one reference or source.

 

Otherwise some here would accuse the Duke of posting only Puntland news..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Cadde Muuse oo maanta booqday jiidda hore ee nawaaxiga Bandiirdley ee gobolka Mudug.

 

November -15-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa maanta booqay jiidda hore ee nawaaxiga Bandiirdley ee gobolka Mudug.

 

Booqashadan oo aheyd mid aan si rasmi ah loo shaacin oo si kadis ah uu ku tagay Cadde Muuse ayaan laga helin faahfaahin rasmi ah oo arrimahaas ku saabsan.

 

Qaar ka mid ah saraakiishii la socday Cadde Muuse ayaa u sheegay HornAfrik inay la xiriirtay in Cadde Muuse aanu booqan tan iyo markii deegaanka Bandiiradley ay isaga hor yimaadeen ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa Puntland.

 

Gen Cadde Muuse ayaa maalmihii ugu dambeysay oo uu ku suganaa Gaalkacyo uu halkaas ka waday isabadalo uu kaga hortagayo taageerayaasha maxkamadaha Islaamka ee ka kacay gudaha maamul goboleedka Puntland.

 

Cadde Muuse ayaa sameeyey isbadalo uu ku sameeyey dhinaca saraakiisha ciidamada isagoo badalay taliyihii hore ee booliska Puntland Yuusuf Axmed Kheyr isagoo u magacaabay Nin la yiraahdo Saciid Karaamo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

cade muse the new warlord of somalia , he was put on his place , whats taking him so long to attack Bandiiradleey , is it because abdi qaybiid milites where dismantled on their way to Galkacyo or because abdiqabiid subclan withdraw their support from abdiqabiid so did the Galmud admin.

 

How long can cade muse keep his troops in south GAlkacyo and Bandiirdley without approval of abdiqabiid sublcan , soon in xamar it will seen as agression from PL admin or you might say northern clans of galkacyo and we will end up with bloody battle , so therefore i would advise PL amdin to respect the borders of clan line .

 

 

What will cade muse do standing in enemy zone , soon you will hear defeat of cade muse , if the PL troops that are being misslead decide to fight then they will encounter death and being Pow .

 

Cade muse is not smart at all he has fallen to courts plan , why not dismantle PL troops in south of galkacy and around Bandiirdley where icu have upper hand interms of population support and reinforcement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this