Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Soomaaliya way ka fog tahay dawlad caaqil ah, balse waxay haysataa…’

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha-Jamhuuriyadda-Federaalka-So

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga heshiis difaac iyo Iskaashi dhaqaale ayey la wada galeen Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dawladaha danahooda istiraajiga ah ayaa haga, halka ay ugu badiso ayeyna ka dheefsadaan. Caadifad, qiiro iyo niyad wanaag wax badan kuma dhisaan.

Waxaan xusuustaa iyadoo madaxdii talada dalka iskaga danbaysay na leeyihiin Itoobiya tii hore ee aad taqaaneen maaha. Xilli aan fogayna dawlad kale ayaa na loo sheegay in ay tahay saaxibka keli ah ee ay Soomaaliya leedahay.

“Sideebay dawlad u fekertaa (How State Think). Waa buug ay qoreen John Mearsheimer iyo Sebastian Rosato oo maalmahaan ugu aqriska badan yihiin dadka daneeya arrimaha dawladnimada, gaar ahaan kaadirka ku hawlan dibloomasiyadda iyo xiriirka caalamiga.

Labada Barafasoor oo baac wayn ku leh arrimahan ayaa ku doodaya in dawladda caaqilka ah lagu garto sida ay dunida u fahamsantahay, danaheedana uga dhex jirato, iyagoo halbeegga lagu garto dawladaasna ku sheegay.

1- In ay go’aanka ku dhisto aragti cilmi ah iyo aqoon lagu fahmi karo xaaladda taagan

2- In hannaanka go’aan qaadashada loo maro waddo sax ah oo ay soo dhirrandhiriyeen hay’adihii ku shaqada lahaa.

Haddii aad doodda buuggan ku xusan ku qiimayso siyaasadda arrimaha dibadda dalkeenna, waxaa kuu soo baxaysa in aan weli ka fognahay dawlad caaqil ah, laakiin aan haysano fursadihii aan ku noqon lahayn.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

The post ‘Soomaaliya way ka fog tahay dawlad caaqil ah, balse waxay haysataa…’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this