Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan aad uga horjeeda Villa Somalia oo ku biiraya golaha wasiirada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708666644148.jpg?resize=720%2C56

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Gablax) ayaa sida wararku sheegayaan isu diyaarinaya in uu banneeyo kursiga Baarlamanka Puntland.

Cabdiraxmaan Gablax oo kamid ah xildhibaannada laga soo doorto gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in uu ka soo muuqdo liiska cusub ee golaha xukuumadda madaxweyne Deni.

Qablax ayaa lagu tilmaamaa shakhsiyaadka wakhti xaadirkan si xooggan uga horjeeda siyaadadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa la rumaysan yahay in uu markan urursanayo islamarkaana golihiisa wasiirada ku qorayo siyaasiyiin aad u diidan Villa Somalia taas oo muujinaysa halka ay kala marayaan Deni iyo Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan aad uga horjeeda Villa Somalia oo ku biiraya golaha wasiirada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this