Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guray oo ka Digay Cawaaqibka ka Dhalan kara Haddii dadka Somaliland lagu Laayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Guray oo ka Digay Cawaaqibka ka Dhalan kara Haddii dadka Somaliland lagu Laayo Muqdisho

Hargeysa(Qaran news)- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya in laga waantoobo in dadka reer Somaliland lagu dilo Muqdisho, taasi oo uu xusay inay cawaaqib xuni ka dhalañ karo.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada oo u qornaa sidan:-

“Sida ay dadka qaare u dhigayaan dilalka qorshaysan ee Muqdisho ka dhacay waa maxay danta Mogadishu Clan ugu jirta In dad Reer Hargeysa lagu dilo Muqdisho dad reer Muqdisho ahna lagu dilo Hargeysa ilayn soomaali baynu nahay oo way dhici kartaaye?
Arinkan yaa lagu degdegin laga yaaba in dhinac sadexaadba ku dhex jiro eh. Ama xukuumad ha noqdaan ama cid kale eh. Waxa loo baahan yahay in la sameeyo baadhis madaxbanaan si loo ogaado cidda rasmi ahaan ka dambaysa iyo danta ay ka leedahay.
Muqdisho waa la og yahay in ay jiraan dad badan oo loo adeegsado dilalka qorshaysan ee noocan ah. Laakin Waxa muhiim ah in la ogaado kuwa ay yihiin kuwa soo adeegsaday iyo danaha ay ka leeyihiin.

Xukuumadda Muqdisho ayaa ka masuul ah nabadgelyada dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho.

Hadii dilalkan noocan ahi sii socdaan labada marxuum ee ku dhintay dilalka qorshaysanna ciddi geysatay loo qaban loona qisaasin Xasan Sheekh ha ogaado in dhagartaasi ay isaga la taalo cawqibkeedana heli doono eh.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this