Sign in to follow this  
Cowke

Galkayo: Puntland Police Arrest Driver For Breaking Road Rules

Recommended Posts

Cowke   

38479_139982072694190_100000471944646_35

 

32052_123988620974661_100000905704365_11

 

2740-300x225.jpg

 

Booliska Gaalkacyo oo Soo Qabtay Gawaari u Hoggaansami Weyday Amarka Maamulka

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigey gaadiid nooca xamuulka ah kuwaasi oo la sheegay in ay u hoggaansami waayeen shuruuc lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ka dhex shaqeeya maamulka Puntland.

 

Gaadiidka ay ciidanka Booliska gobolka Mudug soo qabteen ayaa waxaa lagu soo xareeyay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku xaniban yihiin gaadiidkii, rakaabkii saarnaa iyo wadayaashii intaba, waxaana la filayaa in lagu qaado dambiga ay galeen oo ah in ay ku xad gudbeen shuruucdii dhowaan maamulka Puntland uu ku soo rogay Gaadiidka sida uu sheegay Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud.

 

Gawaaridani ayaa la sheegay in laga soo qabtey deegaanka Bursaalax ee hoostaga degmada Galdogob, waxaana wadayaasha gaadiidkani lagu soo eedeeyay in ay ka dhuumaaleysanayeen ciidanka Booliska gobolka Mudug, kuwaasi oo wada baaritaano ay ku sameynayaan gaadiidka isaga kala goosha Puntland dhexdeeda, isla markaana fulinaya amar faraya in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa gaadiidka rakaabka ah, amarkaasi oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland.

 

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa digniin horey ugu jeediyey wadayaasha gaadiidka rakaabka ah ee ka dhex shaqeeya gudaha Puntland ee ka baxa magaalada Gaalkacyo, digniintaasi oo ah in ay iska ilaaliyaan isku dayga in ay ka dhuumaaleystaan sharciga iyo laamaha amaanka, haddii ay isku dayaan in ay dhuumaaleysi dad rakaab ah ku qaadaan in la marsiin doono talaabo sharciga Puntland waafaqsan.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Allidalaamale:-Duqa Magaalada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo Maanta Magaalada Gaalkacyo Shir jaraa,id ku qabtay ayaa ka hadlay isu socodka gaadiidka iyo Dhaqdhaqaaqa Dadka ee Goballda Puntland.

 

Duqa ayaa Shegay Amar ka soo baxay madexweynaha Dawlada Puntland in lagu mamnuucay Isusocodka Gaadiidka iyo Dadka ee Goballada Puntland iyadoo uusan Qofka ama gaadiidku Wadan Warqad Cadaynaysa Dhaqdhaqaaqiisa Deegaanada Puntland.

 

Duqa ayaa shirkiisan Jaraa,id wuxuu ku Mamnuucan in Gawaarida rakaabka iyo kuwa Xamuulkuba ay Magaalada ka baxaan ama ay soo galaan iyagoon haysan Warqad dhaqdhaqaah ah oo ay ka soo goosanayaan Xarunta Dawlada hoose.

 

Duqu wuxuu sheegay Baraha Contro-lada ah in lagu baarayao Dhamaan Gaadiidka Xamuulka ah iyo kuwa Rakaabka, wuxuuna Sheegay in dhulka la soo dhigay Dhamaan Alaabta Saaran Gawaarida Xamuulka ah baritaan kadibna dib loo rarayo, sidoo kale Gawaarida rakaabka qada Waxaa lagu Amray in aysan Wax rakaab ah ka qaadin Magaalada gaalkacyo iyo Deegaanada hoos yimaada hadii taasi dhacdana Gariga iyo rakaabka saaranba laga Doonayo warqad Dhaqdhaqaaq ah oo loogu ogolaanayo Safarkiisa.

 

Duqa ayaa isagoo tixraacaya Amarkan ka soo baxay Xafiiska Madexweynaha Dawlada Puntland ee Magaalada Garowe wuxuu ugu baaqay Saraakiisha iyo Ciidamada Amniga, Ciidamada Contro-lada ka hawgala iyo Bulshaduba in ay u hogaansamaan Awaamiirtan oo uu ku sheegay in lagu Xadidayo Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka iyo Dadweynaha si looga guulgaaro Dadaalada Dhinaca Amniga ah ee ay Dawladu wado.

 

Arrintan Waxay ku soo aaday Xilli Deegaanada Puntland aad looga hadalhayo Dagaaladii shalay ka dhacay Deegaanka Galgala ee Gobalka Bari ka tirsan ee u dhaxeyay Ciidamada Puntland iyo Kooxo taabacsan Wadaadka Atam oo gacan saar la leh Ururka Al-shabaab.

 

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this