Deeq A. Posted February 23, 2024 Xukuumadda Muuse Biixi iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa ayaamahii la soo dhaafayba ku mashquulsanaa sidii aanu madaxweynahu u saxeexi lahayn xeerkii ay labada aqal ee guurtida iyo Wakiilladu codka aqlabiyada ah ay ku ansaxiyeen in ay dalka doorashooyinka isi saarani ka dhacaan. Madaxweynaha oo ay sharciyan oo qudhaata u banaantahay in uu xeerkaasi saxeexo sida ay sheegayaan dadka aqoonta u leh shuruucda dalka ayaa xooga saarayaa madaxweynahu in arinka maxkamada sare la geeyo. Warar aanu helayno ayaa sheegaaya in xisbiyada Kulmiye iyo Ucid- oo marar dhowr ah shiray si taageerada Faysal Cali Waraabe u helaan oo mararkii hire fashilantay ayaa hada la sheegayaa in. Xisbiga UCID- uu qar qarka u saaranyahay in uu qaato waxa ay rabto Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye. Waxana ay wararku sheegayaan in madaxweynahu isaga oo garabsanaaya xisbiga Ucid iyo qaar ka mid ah ururada siyaasada ay maxkamada dacwad ka dhan ah xeerkii ay ansixiyeen labada gole lagu diidaayo la geeyo Lama garan karo waxa ka dhalan kara arinta maxkamada oo mucaaridka xukuumaddu ay mararka qaarkood ku tilmaamaan mid ku dhex milantay Xukuumadda. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xisbiyada Kulmiyeviyo UCID- oo ku saabsan is fahankani dhex maray, hase ahaatee waxa la filayaa in dhawaan ay si wada jir ah saxaafada ula hadlaan ama midba gaarkihsa uu u hadlo. Dalka oo maraaya marxalad aad u adag cadaw badana ku hareeraysanyihiin ma aha mid qaadi kara duruuf intaasi ka badan. Is qabsi kasta oo siyaasadeed oo dalka abuurmaa waxa uu faa’iido u yahay cadawga Somaliland oo aad isha inoogu haya maantana ka badan intii hore Qaran News Share this post Link to post Share on other sites