Sign in to follow this  
Jacaylbaro

And Somaliland Struggles With Terrorism

Recommended Posts

Qaraxyo lala maaganaa Somaliland oo fashilmay

 

 

Rag doonayay inay qaraxyo argagaxiso ka fuliyaan Somaliland oo la qabtay iyo amniga caasimadda iyo gebi ahaanba Soomaaliland oo si adag loo sugay.

 

Hargeysa(Qarannews)- Amaanka magaalada Hargeysa ayaa si weyn loo adkeeyay isla markaana ciidamada booliska ayaa si adag u baadhaya Baabuurta iyo dadka maraya is goysyada magaalada kadib markii ay soo shaac baxeen in rag ka tirsan ururka al shabaab ay ku sugan yihiin gudaha magaalaada Hargeysa si ay uga fuliyaan qaraxyo argagaxiso oo la mida kuwii kal hore oo kale, ragaas oo tabobaro sare ku soo qaatay wadanka pakistaan isla markaana laga soo diray wakhtigan magaalada Muqdisho.

 

Saaka oo dhaqdhaqaaqa magaaladu aad u adkaa ciidamaduna ay wadooyinka tubnaayeen isla markaana baabuurta iyo dadka laga mamnuucay wadada hor marta madaxtooyada ayaa ila wareedyo lagu kalsoon yahay tibaaxayaan in 48kii saacadood ee u danbeeyay ay ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen lix nin oo dhalinyar ah oo ka yimi magaalada muqdisho isla markaana qasdigoodu yahay inay qaraxyo ka fuliuyaan Hargeysa kuwaaas oo u kala socday laba laba sida uu sheegay mid kamid ah lixdaasi nin oo isagu fashilayay qorshaha ay ku wada socdeen ragaasi.

 

Ninkan fashiliyay qorshaha qaraxa oo isagu sheegay inay kala hadheen rafiiqiisii ay wada socdeen ayaa mar uu u waramay idaacada radio hargeysa oo uu isagu iskii u tegey si uu uga xog waramo waxa uu u socda ayaa sheegay in laga soo diray magaalada muqdisho isla markaana ay jiraan kooxo kale oo iyaguna ku soo fool leh Somaliland balse aanu si cad u garanayn meel ay ku sugan yihiin iyo goor ay soo baxeen, inkastoo buu yidhi aanu mar kazoo wada baxnay muqdisho.

 

Sidoo kale ninkan dhalinyarada ah oo aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in ay ku kala hadheen ninkii ay wada socdeen magaalada guri ceel ee koonfurta Somalia.

 

Si kastaba ha ahaatee dawladda Somaliland ayaa feejignaan dheeraad ah ka yeelataya ifafaalaha soo baxay iyadoo gobaha muhimka ah ee xafiisyada dawlada iyo hayadaha qaranka si weyn loo sugay amnigooda.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee waxan is qarxinaaya ee maangaabka ah ayaa waxa ka dhaadhacsan in ay janada ku galayaan waxii qarax ah ee ay ka fuliyaan gudaha Somaliland taasi oo ay haboontahay in ay ogaadaan in loo soo jeedo isla markaasna ay cadaab if iyo aakhiraba ay ku mutaysan doonaan hana ogaadaan in shicibka Somaliland ay u soo jeedaan cid kasta oo isku dayda in ay amnigooda wax yeesho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: Credible threats pushed terror alert high

 

 

The threat alert was pushed high after after Somaliland security forces have been informed of major terrorist threat. This comes after rumors have been speculated that another deadly terror attacks might be carried out by Alshabaab.

 

The police have been searching all the vehicles during the night and set up check points in Hargeisa, the capital city of Somaliland. Reports say the police carried out several operations in some hotels and other houses in the city searching a possible hide for the terrorists.

 

Unconfirmed reports say during a large scale operation late last night, the police arrested at least three persons believed to be Alshabaab members planning to carry out attacks in Somaliland.

 

There is no official statement from the government but the police operations are ongoing in order to combat the terrorists before they carry out any such attacks. Government officials did not want to give any details so far.

 

Somaliland witnessed a bloody suicide attacks on 29th of October last year where at least 24 persons died and more than 30 others wounded. The government said Alshabab was behind the attacks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Amaanka ayaa la sheegay inay habeen hore xabsiga u taxaabeen saddex nin oo laga shakiyay. Isla markaana Xukuumaddu waxay shalay heegan buuxa geliyay ciidanka amniga, iyadoo la xidhay jidka halbowlaha ah ee caasimada Hargeysa ee hormara Xarunta Madaxtooyada iyo dhismaha Baarlamaanka.

 

Inkastoo aanay Xukuumaddu wax war ah ka soo saarin arrintaas,haddana siday ilo xog-ogaal ahi sheegeen,talaabada Xukuumaddu heegan ku gelisay ciidanka Amnigu waxay ka dambaysay ka dib markii sida la sheegay ay soo gaadhay inuu jiro fal loo maleegayo khalkhal-gelinta Xuska 18 May oo maalmo koobani inaga xigaan.

 

Warku wuxuu intaa ku daray, in ciidamada Amaanku habeen hore saddex nin ka qabteen guri ku yaala magaalada Hargeysa, kuwaasoo sida la sheegay haatan la baadhayo. Siday ilahaasi tibaaxeen, waxay ciidanku shalay baadheen guriga laga qabtay nimankaas, balse lama sheegin waxyaabihii ay kala kulmeen hawlgalkoodaa baadhista ah.

 

Hase yeeshee, masuuliyiinta Xukuumadda ee dhinaca Amniga oo aanu xalay isku daynay in aanu jirintaanka xadhiga nimankaas wax ka waydiiyo, ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan. “Not Now! Hadda maaha (kama hadlayo).” Sidaa waxa si kooban u yidhi Wasiirka Daakhiliga Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo xalay fiidkii Wargeyska Ogaal khadka telefoonka kula xidhiidhay.

 

Shalay waxay Xukuumaddu xidhay isu-socodka dadka iyo gaadiidku inay maraan jidka hawlbowlaha ee hormara xarunta Madaxtooyada, kaasoo horeba isticmaalka gaadiidka mamnuuc uga ahaa xilliyada habeenkii, tan iyo intii ka dambaysay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee 29 Oct 2008 lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Hargeysa.

 

 

Wargeyska Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Booliska oo Ka Hadlay Hawlgalo lagu Adkaynayo Amaanka & Rag loo Xidhay Falal Argagaxiso oo

 

 

Hargeysa(Qarannews)- Taliyaha Ciidamadda Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubadd ayaa Markii u Horeysay ka hadlay Hawlgalo ay Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Boolisku ku sugayeen Nabadgelyadda iyo Rag Dhalinyaro ah oo ay bolisku xidhxidheen kuwaas oo taliyuhu sheegay inay ku tuhmeen inay wadeen Falal argagaxiso oo laga fulinayo dalka.

 

Taliyaha oo Galabta u waramay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay suxufi ay Ciidamadda Sirdoonku dhawaan Xabsiga u taxaabeen, kaasoo uu sheegay in uu si qarsoodi ah Sawir uga qaaday Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda isla markiibana uu Baxsaday, kaasoo uu sheegay inay ku tuhmeen ujeedo gaar ah oo ka baxsan Mihnadiisa Suxufinimo, inkastoo aanu faahfaahin sababta waxyaabaha ay uga shakiyeen.

 

Waxa Taliyuhu sheegay in markuu Baxsaday Tifaftiraha Shabakadda Wararka ee Baadiyenews.com Xadiis Maxamed Xadiis ay Ciidamadda Nabadgelyadda Wadooyinku qoreen Sumadda iyo Lambarka Baabuurka uu watay kadibna dorraad galabnimadii la sooqabtay, balse markii baadhis ay ku sameeyeen lagu waayay wax dambi ah oo uu galay iyo ujeedo gaaar ah oo uu ka lahaa sawirada uu qaaday, sidaa darteed la sii daayay xorriyadiisiina loo soo celiyay.

 

Taliyaha Booliska Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu sheegay in Hawl gallada ay ciidamadiisu malmahan danbe ku adkaynayaan amaanka ay ka dambaysay kadib markii ay soo shaac baxeen tuhuno lagu waxyeelaynayo xasiloonida dalka ka jirta, sidaasi darteed ay labanlaabeen hawlaha nabad sugida isla markana ay tuhunadan u qabteen laba nin oo dhalinyaro ah oo uu sheegay in laga soo diray Muqdisho si ay Somaliland uga fuliyaan Falal Argagaxiso oo lamida kuwii kal hore bishii October ka dhacay Hargeysa isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi Jananka Boolisku "Marlayba waajibka ciidanku waa adkaynta Nabadgelyadda iyo ka hortagida wixii khalkhal galinaya. Waxaanu si adag uga hawl galnaa oo gaadiidka ku baadhnaa Kaantaroolada iyo Meelaha is goysyada ah. Taasina waa mid caadiyan kamid ah Waajibaadka Booliska".

 

Col. Saqadhi mar uu ka hadlayay in Hawl galladaasi ay ku adkaynayaan nabadgelyadda ku qabqabteen dad ay tuhmayaan waxa uu sheegay in ay qabteen rag "waxaa Boolisku gacanta ku dhigeen laba nin oo dhalinyar ah oo aanu uga shakinaya falal Argagaxiso inay wadaan inkastoo aanan Magacyadooda ka hordhacayn baadhis ku socota darteed, waxa kale oo jira Nin wariye ah oo sirdoonku u xidhay sawir uu ka qaaday Wasaaradda Dib u dejinta taasoo aanu garanweynay ujeedada uu kalahaa. Imikana Baadhis ayaa ku socota ragaasi dhakhsana Maxakamad baanu u soo taagi doonaa".

 

Taliyuhu waxa kale oo uu difaacay ujeedada ay Ciidamada Amaanku mar kasta u xidhaan wadada halbowlaha ah ee Madaxtooyada Hormarta mar kasta ooh awl galo ay wadaan "Sababta Madaxtooyada loo xidhay waxa ay tahay adkaynta xarumaha muhiimka ah ee dawladda sida wasaaradaha, Hay’adaha Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah. Waana mid aanu kaga taxadirayno waxyaabaha la filan karo inay ka dhacaan dalka. Waa (Pre-coition) ama heegan waana tallaabo haboon in la qaado wakhtigan oo kale."ayuu yidhi Col. Saqadhi.

 

Taliyuhu waxa kale oo uu ka hadlay isu bedelaad uu ku sameeyay taliye-qaybeedyadda gobollada dalka qaarkood oo uu difaacay in ay kamid tahay hawl qarameedka Booliska isla markaana aanay ku jabnayn wax ujeedo ah in la bedelo, wareejiyo ama xilka laga qaado Taliye qaybeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this