Deeq A. Posted February 22, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale heshiis cusub oo dhanka milatariga ah la gashay dowladda Qatar, ayada oo shalay golaha wasiirad aiyo baarlamaanka ay ansixiyeen heshiis difaac oo lala soo galay dowladda dalka Turkiga. Heshiiskan waxaa Soomaaliya usoo saxiixay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin oo dhiggiisa Qatar, Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, kula kulmay magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi. Labada dhinac ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashigooda dhanka ciidamada iyo sidoo kale sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee waxtarka u leh labada dal. Sidoo kale labada taliye ayaa heshiiska kadib kulan ay yeesheen waxay diiradda ku saareen in lasii xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee difaaca iyo amniga ee labada dal. Waxaa kale oo ay labada taliye os dhaafsadeen caqabadaha ka jira amniga gobolka iyo sahminta fursadaha wadajirka ah si wax looga qabto caqabadaha ay wadaagaan labada dal. Soomaaliya iyo Qatar ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda istiraatiijiyadeed iyo kobcinta kalsoonida labada dhinac. Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb qaataa taageerada iyo tababarada ciidanka Xoogga dalka. Dowladda Federaalka ayaa haatan dadaal xoogan ku bixineysa dib u dhiska ciidanka iyo difaaca dalka, maadaama xiisada cusub ay kasoo korortay badda, kadib heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.The post DF Soomaaliya oo heshiis milatari lasoo gashay DAL kale appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites