Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UCID Party Donate Sport Items to Football Teams in Lasanod

Recommended Posts

qalabb.jpg

 

Waxaa maanta lagu gudoonsiiyay qalab sport labo kooxood oo ah kooxaha taageera xisbiga UCID ee Gobolka Sool qalabkaas oo ka koobnaa funaanado iyo kubado ay ku qoran yihiin astaantii UCID waxayna kala ahaayeen laba kooxood oo ah dhalinyarada xisbiga UCID ee Gobolka Sool.

 

Xafladaas oo si habsami ah u dhacday waxaa furitaankii xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Gobolka Sool Fu’aad Maxamed Faarax oo sheegay in xisbigu diyaar u yahay dhamaanba wax qabadka arimaha Bulkshada ee Gobolka Sool wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin wax qabadka iyo kor uqaadista arimaha Gobolka Sool iyo isdhexgalka Gobolada Somaliland.

 

Waxa kale oo xafladaasi ka hadalay Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga ee Gobolka Sool Maxamuud Saleebaan Dhagosool oo isna ku booriyay inay sii hormu mariyaan xirfadooda ciyaareed ee caafimaadka jidh ahaan iyo maskax ahaan uga qayb qaata.

 

Waxaana isna hadalkii lagu wareejiyay Xoghaya Xisbiga ee Gobolka Sool C/risaaq Maxamed Axmed waxaana uu isna sheegay inay diyaarinayaan inay la ciyaarayaan ciyaar yahanada Gobolada dalka Somaliland iyagoo ma talaya xisbiga UCID ee ay taageerayaasha u yihiin.

 

Hadaba xafladaas oo ku bilaabatay jawi rayn rayn iyo farxad waxa ay ku dhamaatay deganaansho waxaana soo gabo gabeeyay Gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee xisbiga UCID Jaamac Cali Xaashi oo sheegay inay diyaar uyihiin inay la shaqaynayaan Xisbiga dhalinyaro ahaan iyo koox ahaan iyadoo uu sheegay in labada kooxood ay ciyaar saaxiibtinimo ay galabta ku ciyaarayaan garoonka cabdi Bile Cabdi ee Laascaanood.

 

Waxaa nasoo gaadhsiiyay C/risaaq Maxamed Axmed Xoghaya Xisbiga ee Gobolka.

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this