Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrimo argagax leh oo kasoo kordhay kiiska LUUL CABDICASIIS

Recommended Posts

Deeq A.   
972e131f-4449-47d1-94ea-a686a5305f1a.jpg

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka bilaabatay dhageysiga dacwadda culus ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysay inuu si arxan darro ah u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis.

Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa si toos ah loo gala socday warbaahinta, maadaama uu kiiskan yahay mid xasaasi ah oo xanuun badan ku reebay dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa maxkamadda goobjoog ahaa ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Arrimo argagax leh ayaa kasoo kordhay kiiskan, kuwaas oo soo baxay inta ay socotay maxkamadda, oo la horgeeyay marqaatiyaal ay kamid ahaayeen carruurtii ay dhashay marxuumadda oo qaarkood waxyeelo ay kasoo gaartay dabka lagu gubay hooyadood.

Farxiyo Cabdirisaaq oo kamid ah carruurta, isla markaana jirto 10 sano ayaa si dareen leh uga hadashay dilka hooyadeed, waxayna sheegtay inay aragtay, ayada oo holceyso.

“Waxaan arkay hooyo oo banaanka ku holceyso waa Naxay, waxaa noo yimid ninkii gubay isaga oo dhacdhacayo, hooyo inta aysan dhiman waxa ay nagu tiri i cafiya hadii aan dhinto” ayay tiri Farxiyo oo kamid ah carruurta marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Sidoo kale waxa ay hadalkeeda dareenka leh oo dad badan xanuunjiyay sii raacisay “Waxaan arkay hooyo oo qaylineyso marka aan daaqadda soo istaagay”

Waxyaabaha ka cusub kiiskan ee ay maxkamadda soo bandhigtay waxaa kamid ah in Farxiyo ay sheegtay in hooyadeed ay ku jirtay nolol adag oo xittaa ninka gubay uu ka xiran jiray qolkeeda jiifka ah, furahana uu isaga qaadan jiray, iidana ay ku sugi jirtay qol kale.

Qolka hooyo ee jiifka isaga ayaa xiran jiray marka hooyo meel ay dharka isaga bedasho ma haysan qolkeyga ayay sii jiifatay, marka uu imaado ayay tegeysay qolkeeda” ayay raacisay.

Doodda u dhexeysa qareennada iyo xeer ilaalinta ayaa sii socon doona, maadaama uu eedeysanaha oo kasoo muuqday maxkamadda ka sheegay inuu dood ka qabo dacwaddan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan oo soo xiray dacwadda ayaa sheegay in la’isugu imaan doono fadhiga kale, wuxuuna faray xeer ilaalinta inay soo dhameystiro caddeymahadooda, si uusan u daahin kiiskan oo aad isha loogu wada hayo.

The post Arrimo argagax leh oo kasoo kordhay kiiska LUUL CABDICASIIS appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this