Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi si weyn u taageera qadiyadda Somaliland oo u sharaxan guddoomiyaha Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Raysal wasaare ku xigeenkii iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa u sharaxan guddoomiyaha Midowga Afrika, halka Kenya ay soo sharaxday Raila Odinga oo muddo dheer soo hoggaaminayey mucaaradka Kenya.

Guddoomiyaha hadda jooga hoggaanka Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed oo u dhashay dalka Chad, laba jeerna xilkaan soo qabtay wuxuu muddo xileedkiisu ku eegyahay bilowga sannadka soo socda ee 2025-ka.

Markii uu musharaxnimadiisa kursigaas shaacinayey Raila Odinga waxaa barbar taagnaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo, oo dhawaan Midowga Afrika u magacaabay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raila Odinga ayaa saaxiib dhow la ah siyaasiyiinta Somaliland, wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Barawaani ayaa ku tilmaamay Raila Odinga in uu yahay halyey Afrika oo ah qofka ugu madan ee guddoomiya Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, taas oo ka dhigan in Somaliland ay si weyn u xiiseyneyso in hoggaanka Midowga Afrika uu qabto Raila Odinga.

“Raila waa saaxiibka Somaliland, oo waxa uu ku suntan yahay dimoquraadiyadda Afrika. Wax weyn ayuu ugu fadhiyaa Afrika, Raila waxa uu og yahay xaquuqda ka maqan Somaliland, Madax badan oo caalamka ah ayaa aragtidaas ka aaminsan, kuwaas oo taageera qaddiyadeenna,” ayuu yidhi wakiilka Somaliland u jooga Nairobi Maxamed Barawaani.

Raila Odinga ayaa muddo dheer fagaarayaasha ka taageeri jiray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isagoo ugu baaqay Golaha Fulinta ee Midowga Afrika inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-banaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this