Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaal Xaafadkiisa midaan cod ka helayn miyaa Xisbi qaran u wada xaydxaytay?.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciyaal Xaafadkiisa midaan cod ka helayn miyaa Xisbi qaran u wada xaydxaytay?.

Waxa la yidhi Orgi Geeso dheer iyo Giir leh oo Adhi ku jiray ayaa marka adhiga la foofiyo ee ay Daaq tagaan ayuu maalin oo dhan intuu kolba dacal adhiga u dhex cararo ayuu ku yidhaahdaa Adhiyow Geesahayga iyo Giirkayga ku Daaq!, Hadaba markay casar-gaabka iyo carrawgii gaadho, Cadceeduna liiqda dhigto, ayuu Orgigii Maalintii oo dhan adhiga ku Qalaadaayey ee gees roortaynaayey uu sanqad tirtaa, wuxuuna miciinsadaa dhanka rida riyaha Hormoodka u ah, ayuu ku yidhaah daa Garroy dibkaa Igirif-giriflehe Intuu I joogsanaayo Bal adigu Adhiga horgal ama horkac!.

Hadaba orgigaa Giire waxa ka dhigan Nimankii Xisbi maaganayaasha ahaa ee qayladooda iyo goodigooda laga fadhiyi waayey ee markii la yidhi Ururo waad noqoteen se si aydun Xisbiyo qaran u noqotaan Tabtii caadada inoo ahayd ee aynu ugu soo dhaqannay, waa in aydun ka heshaan 20% boqolkiiba Labaatan gobolada Dalka Gobal kastaba, ayaa Tabtii Orgigii Giirre ku yidhi Inantii kaliyee Ururka wadatay Marwo Rooday kac oo yeelimayno Noodheh!.

Hadal iyo dhamaan Shaqsigii han Maamul leh ee Dalkan Jamhuuriyada barakaysan inuu Xisbi uu hogaanka Dalka ku qabto doonayaa, waa in uu wada kasbadaa gobolada Dalka oo dhan si uu u unkumo Xisbi qaran oo Bari ilaa Galbeed lawada leeyahay oo laga wada muuqdo taas ayey danta Dalka iyo wax wada lahaanshaha Ummadu ku jirtaa, se Xisbiyadan Gacanta Kulmiye ku samayska ah ee cod ku biirsiga ah si hadhaw Haanta Kulmiye layskugu geeyo wax soconaaya maaha ee Fadlan Ciyaala xaafadkiisaba midaan Cod ka hellahaynow Billaah Calayk Xisbi qaran u soo xayd xaydashada naga daa!.

Xisbigii Dalka xukum ka rabow

Dadka dacal ilaa dacal kasbo.

Khadar Hooyoley Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this