Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay Heshiiska Turkigu ku difaacayo Badda Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah hadal u jeedinaya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii uu dalbaday Kulan aan caadi ahayn

Guddoonka Aqalka Hoose ee Baarlamanka dalka ayaa farriin u diray Xildhibaannada labada Aqal in maanta oo Arbaco ah oo taariikhdu tahay 21 Febraayo 2024 uu jiro kulan  wadajir aan caadi aheyn oo Madaxweynuhu kula hadlayo labada Aqal.

Ilo wareedyo ku dhaw Madaxtooyada Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Xasan Sheekh hadal jeedintiisa Baarlamaanka labada Aqal uu ku faah faahin doono heshiis dhinaca difaaca Badda ah oo ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskan uu yahay muddo 10 sano ah oo Ciidamada Badda Turkiga ku howlgalayaan Badda Soomaaliya kuna ilaalin doonaan waxaana Heshiiska dhawaan kala saxiixday Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay Heshiiska Turkigu ku difaacayo Badda Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this