Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Representative Meet U.K Foreign Ministery. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Wakiilo ka socda Puntland iyo Wasaarada arimaha dibada ee Ingiiiska oo kulan yeeshay

By admin

July 7, 2010

 

Waxaa ka dhacay London shir ay wada qaateen dawlada Puntland iyo wasaarada arimaha dibada ee Wadankan ingiriiska ,shirkaas oo ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha dibada ee ingiriiska qabteeda afrika

[View with PicLens]

 

 

Shirka ayaa waxuu ku bilaamay jawi aad uwanaagsan oo ay madaxdii kasoo qayb gashay labada dhinacba aad laysugu fahmay dhinaca dawlada Puntland waxaa umatalayey DR Mohamed H Barre EU Liaison officer iyo DR Cabdiqaadir Faarah jibriil oo wakiilka Puntland ee dalkan ingiriiska.

 

Dhanka dawlada ingiriiska waxaa uma talayey Dr Cedric Barnes iyo gabadha la yiraahdo Lene iyo wafuud kale oo badan .

 

Labada masuul ee Puntland ka socday waxay ka warbixiyeen xalaada guud ee Puntlad kusugan tahay, waxqabadka ay dawladu kula jirto arimaha nabadgelyada iyo horumarka. La dagaalanka Burcad badeeda kaasoo ay waxweyn kaqabatey bilhii lasoo dhaafey.

 

Waxaa labada masuul sheegeen in ay dawladu in badan oo burcad badeeda ay xirxirtey inkale ay daba joogto ayna dawlada hada isu diyaarinayso inay ciidamo ku balaariso dhamaan xeebaha Puntland oo dhan si ay xididada ugu siibto haraadiga Burcada.

 

Dawladu waxay wacyi galin ku samaysay dhamaanba shacabka reer Puntland iyadoo adeegsanaysa odayaasha iyo Caaqilaada ,culimaadiinka iyo wax garad kaleba.

 

Masuuliyiintu waxay kaloo kawar bixiyeen xaalada nabad galyada puntlad sida ay u wanaagsan tahay iyo safarkii ay dhowaan ku yimaadeen safiiro iyo madax sare oo ka tirsan international contact group iyo sidii ay ula dhaceen habsami u socodka hawlaha nabad gelyada.

 

Dhinaca dawalada ingiriiska aad ayey u ladheceen warbixintaas ,dhankoodana waxay soo jeediyeen inay doonayaan inay xafiis toosa ka furtaan dawlada Puntland iyo wax ka qabandoonaan dhamaanba adeega waxbarashada, caafimaadka iyo wadooyinka . Madaxdu waxay dawlada Puntland ku amaaneen sida ula shaqeeyaan dhamaan hayadaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahyn waxay kaloo sheegeen inay joogtayn doonaan shirar koodaan.

 

Ugu damayntii waxay labada masuul ee Puntland ka socday uga mahad celiyeen dawlada ingiriiska dhamaan taageerada ay siiso shacabka soomaaliyeed meelkastoo ay joogan si toosa ama si dadban labadaba.

 

Puntland Media Centre

 

dsc01813.jpg

 

dsc01814.jpg

 

dsc01812.jpg

 

dsc01810.jpg

 

dsc01809.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this