Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan GOBSAN oo weerar culus ku qaaday CC Shakuur

Recommended Posts

Deeq A.   
Gobsan.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Gobsan Muxumad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay iskala tirsan yihiin Baarlamaanka, kadib markii uu ka hadlay kiiska xasaasiga ah ee dilka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda duulista rayidka, kana soo jeeda deegaanada Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka silac la marsiiyay, isla markaana loo dilay si saxariir ah, isaga oo ku eedeeyay ehellada inay u gurman waayeen.

“Geeridu waa xaq, laakiin waxaa dilka C/naasir xanuunka iyo murugada ku siyaadinaya silaca la marsiiyey, saxariirta loo dilay iyo gurmad la’aanta kaga dhacday dadka ehelkiisa ee la degannaa” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaan codkayga ku biirinayaa in laamaha amniga ee dawladda federaalka Soomaaliyeed si degdeg ah oo daahfurnaan leh u baaraan unna soo caddeeyaan dilka C/naasir”.

Intaas kadib xildhibaan Gobsan oo u jawaabtay Warsame ayaa sheegtay inay ceeb ku tahay inuu u gefo qoyska marxuumka, xilli ay u taallo tacsi tiiraanyo leh.

“Waa ayaandaro weyn iyo ceeb in Xildhiban Abdirahman Abdishakur uu hadalo qadaf ah hawada usoo mariyo ehelka ay geeridu u taal ee uu ka dhashay marxuum Abdinasir Muuse Dahable oo loo dilay si fool xun” ayay ku jawaabtay xildhibaan Gobsan Muxumad.

Xildhibaannada ayaa sheegtay in hadallo naxariis darro ah uu ku hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sidoo kale uu siyaasadeeyay kiiska dilka ah ee Cabdinaasir Dahable.

Halkii uu howshaasi ka garaabi lahaa inuu Facebook la yimaado ehelkiisa ayuu gurmad ka waayey iyo ehelkiisa ayaa siyaasadeynaya geeridiisa, waxay ku tusineysaa heerka uu ka gaarsiisan yahay naxariis-darada uu inoo mujiyey iyo sida qalbigiisa u daxaleystay.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in sharciga la aadi doonaan dhammaan shaqsiyaadka siyaasadeynaya dilka marxuumka, haddii ay yihiin xildhibaannada metala.

“Anaga oo ah xildhibaanada ehelka u ah marxuumka sharciya ayaa la aadi doonaa dhammaan shaqsiyaadka siyaasadeynaya geerida marxuumka ama hadalka gurracan hawada usoo marinaya ehelka, sida Abdirahman Abdishakuur oo kale” ayay mar kale tiri.

Allaha u naxariistee sarkaalkan dhalinyarada ah ayaa isaga oo mayd ah, loona dilay si arxan darro ah laga dhex helay gurigiisa ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.

The post Xildhibaan GOBSAN oo weerar culus ku qaaday CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this