Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in madaxweynahu uu doonaayo in uu kala diro Gudiga doorashooyinka Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeisa (Qaran news) Warar ilo kala gadisan ka soo baxaaya ayaa sheegaaya in uu madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku hawlanyahay sidii uu u kala diri lahaa gudiga doorashooyinka Somaliland taasi oo ay dad badani walaac ka muujiyeen.

Arinkani hadii uu dhab noqdo waxa imanysa in uu madaxweynahu uu mar labaad u baahdo kordhis loo sameeyo arinkaasi oo ah mid aanu mar labaad dalku qaadi karin.

Waxa ay xukuumaddu dabada ka riixaysay qorshe reer Awdal kooto loogu samyn lahaa xisbi qaran oo ay yeeshaan si loo hor istaago codayntii labada gole ee Barlamaanku ay aqlabiyada ugu ansaxiyeen in ay doirshooyinka isi saarka ahi ay dalja ka dhacaan, arinkaasi Kootada oo siyaasiyiinta, wax garadka, iyo dhamaan dadka reer Awdal ka soo hor jeedsadeen madaxweynahana ka codsadeen in uu badaas ka baxo oo uu doirashada qabto iyaga oo arinkaas ku macneeyay mid xukuumaddu doirashada kaga dhuumanayso.

Waxa kale oo xukuumadda iyo xisbigooda Kulmiye isku dayeen in ay xisbiga UCID- ay kasbadaan oo ay arinka doorashooyinka is barkan ee golayaashu ansixiyeen maxkamada la geeyo arinkaasi oo xisbiga UCID- uu ku gacan saydhay, kulana taliyay in doorashada ay xukuumaddu qabato wadankuna uu maanta maraayo meel aad u liidata dhaqaale ahaan taasina ay sababtay doorasho laanta iyo is qab qabsiga siyaasadeed ee dalka ka jiray oo maanta lagaga bixi karo oo kaliya doorasho xalaal ah.

Ma jiro wax war ah oo xukuumadda ka soo baxay oo sheegaaya in xukuumaddu kala dirayso gudiga doorashooyinka, hase ahaatee wararka la helaayo oo meelo kala duwan ka soo baxaya ayaa arinkaasi sheegaaya.

Waxana hada la dhowrayaa in uu madaxweynu uu isaguna saxeexo oo hir galiyo codayntii ay labada gole aqlabiyada ugu codeeyeen, waxana uu madaxweynahu uu haystaa 21 cisho iyada oo ay 3 maalmood tageen hada

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this