Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo diidan in maydka Cabdinaasir Muuse loo qaado Hargaysa Iyo Aabihii oo diiday in Muqdisho lagu aaso

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20240220-WA0003.jpg

Hargeisa,(Qaran news)- Aabaha dhalay marxuumkii ay Xukuumadda Xasan sheekh ku dishay Muqdisho marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable.

Marxuuka aabahii Muuse Dahable ayaa maanta warbaahinta marblabaad la hadlay waxa uu xukuumadda Xasan Sheekh ka codsaday in maydka wiilkiisa loo soo saaro diyaarad isla markaasina uu xaq u leeyahay in uu xagani uu joogo ku aasto.

Waxa uu aabo Muuse Dahab uu ka codsaday xukuumadda Xasan Sheekh in ayna arinta maydkiisa ayna siyaasadaynin oo maydka wiilkiisa diyaarad loo soo saaro si uu isagu u aasto taasi oonuu xaq ugu leeyahay waxana uu sheegay in aanu isagu marnaba tagaynin magaalada Muqdisho.

Dhanka kalanacwararka ka imanaaya Muqdisho ayaa sheegaaya in uu madaxweynaha Somaliya uu diidanyahay in maydka la keeno Somaliland, waxana ay taasi cadaynaysaa in dilka marxuumka ay dawlada Xasan ku lug leedahay isla markaasina uu rabo in uu Muqdisho ku aaso.

Diiniyan iyo dhaqan ahaanba waxa uu aabaha dhalay xaq ugu leeyahay in wiilkiisa lagu aaso halka uu doonaayo oo ah dalkiisa

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this