Sign in to follow this  
Siciid1986

Taageerada Dhaqaale Caalamku Somaliland u Fidiyo ka Dhigan Tahay Aqoonsi Mahiga

Recommended Posts

"Taageerada Dhaqaale Caalamku Somaliland u Fidiyo ka Dhigan Tahay Aqoonsi "Ergayga Qaramada Midoobay

Hargeysa (Jam)- Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga, ayaa shaaciyey in taageerada dhaqaalaba ee dalalka adduunku u fidiyaan Somaliland ay ka dhigatan tahay nooc ka mid ah aqoonsiga shacabku u haraadan yahay, isaga oo xusay in UN-tu diyaar u tahay sidii Somalilad looga caawin lahaa inay si sax ah uga faa’iidaysato kaalmada loo fidiyo.

 

 

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa booqasho rasmi ah ku yimaadeen Somaliland oo saxaafadda uga waramay kulan albaabadu u xidhnaayeen oo uu shalay la yeeshay shirguddoonka baarlamaanka (guurtida iyo wakiillada), waxa uu sheegay inay dalal badan oo caalamka ahi diyaar u yihiin sidii Somaliland loo taageeri lahaa.

 

 

Ergayga Qaramada Midoobay oo suxufiyiintu waydiiyeen qaabka Qaramada Midoobay Somaliland uga taageeri karto aqoonsi caalami ah oo ay hesho, waxa uu ku jawaabay; “Xaqiiqo ahaan dalal badan ayaa diyaar u ah inay Somaliland ka caawiyaan dhinaca dhaqaalaha, markaa kaalmada beesha caalamku u fidinayso Somaliland ayaa ah nooc ka mid ah aqoonsiga xaqiiqada jirta, dhinaca sharciyada marka laga hadlayana way ka duwan tahay, laakiin waxay ku xidhan tahay qaabka aad u soo bandhigtaan waxqabadkiina iyo sida aad ugu xidhmaysaan dunida, taasi oo qudheeduna ah tallaabo muhiim ah, waxaana hambalyo iyo boggaadin u dirayaa shacabka reer Somaliland iyo xukuumadooda.”

 

 

Ambassador Augustine Mahiga oo la weydiiyey inuu tafaasiil ka bixiyo waxyaabaha ay shirguddoonka baarlamaanka (guurtida iyo wakiillada) kaga wadahadleen kulankii albaabadu u xidhnaayeen ee uu la yeeshay, waxa uu ku jawaabay;“Haddaanu nayay Qaramada Midoobay, waxaanu doonaynaa in aanu xoojino joogitaankayaga Somaliland si aanu si aad u dhaw ula shaqayno xukuumadda Somaliland, maantana (shalay) waxaan jaanis u helay in aan la kulmo Guddoomiyeyaasha Golaha Guurtida iyo wakiillada¸ anaga oo isweydaarsanay aaraa iyo figrado muhiim ah. Waxaanan Guddoomiyaha Guurtida ka faa’iiday xikmad muhiim ah oo aanu u isticmaali doono marka aan ka hadlayo xallinta dhibaatooyinka dawladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

 

 

Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii loo diyaarin lahaa in Somaliland beesha caalamka ka hesho kaalmo wax ku-ool ah, isla markaana uga faa’iidaysan lahayd kaalmadaas, maadaama ay wadamo badan ku dhawaaqeen inay Somaliland u fidin doonaan kaalmo waxtar leh, haddaanu nahay Qaramada Midoobayna waxaanu diyaar u nahay sidii aanu u fududayn lahayn in kaalmooyinkaas Somaliland uga faa’iidaysato hab sax ah.”

 

 

Wakiilka Qaramada Midoobay oo la weydiiyey waxa uu Somaliland ku arkay maadaama booqashadani tahay tii u horraysay ee uu Somaliland ku yimaad, waxa uu ku jawaabay; “Waxa aad iiga fajaciyey nabadgelyada iyo deganaanshaha Somaliland ka jirta¸ dadku way iska raaxaysanayaan, waxaan soo maray suuqyada magaalada Hargeysa, ilaa xili dambe oo habeenimo ah ayey dadku wateen hawlahooda ganacsi, waxaan arkay sariflayaasha lacagaha oo lacago badan hortuulan yihiin, mana jirto wax calaamad ah oo muujinaya dambinimo iyo amni-darro, hodantinimo badan ayaa dadka ka muuqatay oo meel walba cunto ayaa taalla¸ bakhaarada allaabooyin badan ayaa yaal. Xaqiiqo ahaana joogitaanka Somaliland waxa uu iigu muuqdaa xasilooni iyo hannaan dimuqraadiyadeed oo dhab ah.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this