Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo si KMG ah u hakisay barnaamijkii ololaha daaweynta Xoolaha

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708426342280.jpg?resize=720%2C62

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland ayaa sheegtay in ay si KMG ah u hakisay barnaamijkii daaweynta Xoolaha.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasiirka Xannaanada Xoolaha Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) ayaa lagu hakiyay ololihii daaweynta Xoolaha degaannada Puntland.

“Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) ayaa hakiyey shaqada xoolo daaweynta oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hay’adda FAO inta Madaxweynaha uu  kasoo dhisayo xukuumadda cusub”.

Wasiir Libaaxe ayaa sheegay in shaqada daaweynta Xoolaha la hakiyay inta laga soo dhisayo xukuumadda cusub ee soo wado madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Barnaamijka laga hakiyay daaweynta Xoolaha waxaa iska kaashanayey wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland iyo hay’adda FAO.

Ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland ayaa laga fulin lahaa dhamaan sagaalka Gobol ee Puntland waxaana loo qorsheeyay in uu socdo mudda 30 cisho ah.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo si KMG ah u hakisay barnaamijkii ololaha daaweynta Xoolaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this