General Duke Posted March 25, 2010 Maamulka Degmada Bosaaso iyo G/Bari oo Soo Saaray Go’aamo Lagu Soo celinaayo Bilicda Magaalada Bosaaso March 25, 2010| NEWS: Category | 8 commentsKulankaan ayaa waxaa looga hadlaayay sidii loo furi lahaa Wadooyinka dhexmara Xaafadaha kala duwan ee magaalada Bosaaso iyo sidii loo soo celin lahaa bilicdii hore,waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah. Duqa degmada Bosaaso Maxamed Faarax Beeldaaje oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay bilaabayaan Olole ay ku doonayaan in ay ku burburiyaan guryaha iyo meheradaha sida sharci darada ah looga dhisay hareeraha wadooyinka. Waxaana uu intaasi ku daray in aan loo duulqaadan doonin dadka doonaya in ay burburiyaan bilicdi magaalada.wuxuuna xusay in ay soo saaren qodoba hos ku qoran; 1.In la raro goobaha qaadka lagu iibiyo oo la geeyo meel magaalada ka baxsan 2.In maanta laga bilaabo aan magaalada lagu dhex dhaqi karin gawaarida 3.In dadka degan guryaha Dowlada ay ka guuran 4.In Meheradaha aanay biyaha ku daadin karin wadooyinka dhexdeeda Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf oo halkaas isaguna ka hadlay ayaa sheegay sheegay in ay bilaabi doonaan howlgalo lagu doonaayo in lagu furo wadooyinka dhexmara magaalada Bosaaso,wuxuuna shacabka Reer Bosaaso ugu baaqay in ay ka qayb qaatan qorshahaasi isagoo ku amaanay qaabka ay dadweynaha diyaar u yihin in ay ka shaqeeyaan arimahaasi. Taliyaha Ciidanka Taraafikada Maxamed Finiin oo halkaasi si kooban uga hadlay ayaa sheegay in shilalka ka dhaca wadooyinka ay sabab u tahay wadooyinka oo xiran,isagoo sheegay in hadi aan wadooyinka la furin in ay si badanayaan shilalka gawaarida. Go’aamadan ayaa noqonaaya kuwi ugu horeeyey ay si wadajir ah usoo saaran maamulka degmada Bosaaso iyo gobolka Bari,iyadoo dhowaan usoo dhamaaday kulan looga hadlaayay sidii loo horumarin lahaa magaalada. C/salaan Axmed Shire Horseed Media Bosaaso,Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted March 25, 2010 intaan iyo in ka badan mid kasto cusub waa dhahaa waa inta bilowga ay tahay duke halsano u qabo Quote Share this post Link to post Share on other sites