Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: New admin a good start

Recommended Posts

Maamulka Degmada Bosaaso iyo G/Bari oo Soo Saaray Go’aamo Lagu Soo celinaayo Bilicda Magaalada Bosaaso

 

March 25, 2010| NEWS: Category | 8 commentsKulankaan ayaa waxaa looga hadlaayay sidii loo furi lahaa Wadooyinka dhexmara Xaafadaha kala duwan ee magaalada Bosaaso iyo sidii loo soo celin lahaa bilicdii hore,waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah.

 

Duqa degmada Bosaaso Maxamed Faarax Beeldaaje oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay bilaabayaan Olole ay ku doonayaan in ay ku burburiyaan guryaha iyo meheradaha sida sharci darada ah looga dhisay hareeraha wadooyinka.

 

Waxaana uu intaasi ku daray in aan loo duulqaadan doonin dadka doonaya in ay burburiyaan bilicdi magaalada.wuxuuna xusay in ay soo saaren qodoba hos ku qoran;

 

1.In la raro goobaha qaadka lagu iibiyo oo la geeyo meel magaalada ka baxsan

 

2.In maanta laga bilaabo aan magaalada lagu dhex dhaqi karin gawaarida

 

3.In dadka degan guryaha Dowlada ay ka guuran

 

4.In Meheradaha aanay biyaha ku daadin karin wadooyinka dhexdeeda

 

Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf oo halkaas isaguna ka hadlay ayaa sheegay sheegay in ay bilaabi doonaan howlgalo lagu doonaayo in lagu furo wadooyinka dhexmara magaalada Bosaaso,wuxuuna shacabka Reer Bosaaso ugu baaqay in ay ka qayb qaatan qorshahaasi isagoo ku amaanay qaabka ay dadweynaha diyaar u yihin in ay ka shaqeeyaan arimahaasi.

 

Taliyaha Ciidanka Taraafikada Maxamed Finiin oo halkaasi si kooban uga hadlay ayaa sheegay in shilalka ka dhaca wadooyinka ay sabab u tahay wadooyinka oo xiran,isagoo sheegay in hadi aan wadooyinka la furin in ay si badanayaan shilalka gawaarida.

 

Go’aamadan ayaa noqonaaya kuwi ugu horeeyey ay si wadajir ah usoo saaran maamulka degmada Bosaaso iyo gobolka Bari,iyadoo dhowaan usoo dhamaaday kulan looga hadlaayay sidii loo horumarin lahaa magaalada.

 

C/salaan Axmed Shire

 

Horseed Media

 

Bosaaso,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this