Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cali Xoor-xoor oo Furay Kulan lagu Dersayo nidaamka Xaddidaada shaqaalaha Ajaanibka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Cali Xoor-xoor oo Furay Kulan lagu Dersayo nidaamka Xaddidaada shaqaalaha Ajaanibka ah

IMG-20240219-WA0013.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska – JSL, Mudane, Cali Cumar Maxamed [Eng.Cali Xoor Xoor] oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane, Ahmed Hassan Aw Aden ayaa daah-furay kulan hawleed lagu soo bandhigayay wax-kabbedel iyo kaabis lagu samayeeyay nidaamka shaqaalaynta ajaanibta.

Nidaamkan oo lagu baahinayay wareegtooyin maamul oo kala duwan oo ay Wasaaraddu ka soo saartay arrimaha shaqadda ee dalka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qayb-galay in ka badan 110 ergay oo kala metalayay goobaha shaqadda, qaybo ka mid ah hogaanka Jaalliyaddaha dalka ku nool, madaxda Xidhiidhka Guud ee Ururadda Shaqaallaha & xubno kale.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd Ka wada-shaqaynta sidii loola tacaali lahaa heerka shaqo la’aanta ee sareeya, shuruudaha codsiga shaqaalaha ajaanibta ah & xakamayntooda, hirgelinta nidaamka daah-furnaanta shaqo-qorista muwaadiinta & fulinta wareegtooyinka maamul iyo habraacyadda la xidhiidha ayaa ka mid ahaa qodobadda guud ee lagu falan-qeeyay intii kullanku socday.

Ugu dambayn, kullanku waxa uu ku soo dhamaaday go’aan kala qaadasho ku salaysan is-afgarad & iskaashi buuxa oo laga yeesho arrimahaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this