Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska Cabdinaasir Muuse Dahable oo dawlada Xasan Sheekh ka codsaday Maydka wiilkooda la siiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa nasiib daro ah in uu wali socdo xasuuqii ay dawlada Somalia ay ku samayn jirtay aqoonyahanka reet Somaliland sida xasuyqii xeebta Jasiira, Mako Dur duro, 40kii qof ee maalin qudhaata lagu toogtay Burco 1984kii xasuuqii sanaag qaybo ka mid ah ka dhacay.
GGuFlu4XgAARwyU-1.png
Dilkan foosha xun ee dawlada Xasan Sheekh ay u gaysatay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable waa mid ina xasuusinaaya xasuuqii iyo dilalkii noocani ahaa ee ay samayn jirtay dawladii Somalia ee uu maantana matalaayo Xasan Sheekh.

Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka soo jeeda Somaliland waxa uu hore uu qoyskiisa ugu sheegay in ay dawlda Somalia ay u hanjabtay oo ay doonayso in ay disho.

Qoyska Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa dawlada Somalia ka codsaday in Maydka wiilkooda loogu keeno Somaliland si ay ugu aasaan dhulkooda.

Cabdinaasir Muuse Dahable, oo u shaqaynaayay ICAO, kana hawl galaayay madaarka Muqdisho ayaa dawlada Xasan Sheekh sidaasi aad arkayso u dishay, arinkaasi oo aad uga cadhaysiiyay bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this