Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Xirsi oo ku Baaqay in si Madax bannaan loo baadho dilka Cabdinaasir Dahable

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Xirsi oo ku Baaqay in si Madax bannaan loo baadho dilka Cabdinaasir Dahable

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku baaqay in si madax bannaan loo baadho dilka muwaadinka reer Somaliland ee lagu dilay Muqdisho.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo u dhignaa sidan:-

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda aqoonyahanka iyo dhammaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdinaasir Dahable oo aynnu xalay geeridiisa ku war helnay. Si gaar ah, waxaan uga tacsiyaynayaa waalidkii dhalay iyo qoyskiisa, anigoo Ilaahay u weydiinaya inuu samir iyo imaan ka siiyo, isagan naxariistii janno ka waraabiyo.

Marxuumku waxa uu ahaa aqoonyahan khibrad fiican u leh maamulka hawada, isaga oo wax ku soo bartay dalka Ingiriiska oo uu dhawaan ka soo laabtay, islamarkaana yididdiilo weyn uu ka lahaa nolosha iyo mustaqbalka.

Sida uu codsaday waalidka dhalay maxruum Cabdinaasir, waxaan xoojinayaa in la baadho galkiisa oo uu helo caddaalad, hannaan madaxbannaanna loo maro, si baadhis lagu kalsoonaan karo ay u dhacdo. Waana in la tixgeliyo oo la yeelo sida uu codsaday waalidka dhalay marxuumka.”

إنا لله وإنا إليه راجعون

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this