Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo dood ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1708363518940.jpg?resize=720%2C46

Golaha Ammanaka ee Qaramada Midoobay ayaa dood ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa diblomaasiyiinta khudabadaha ka jeediyey ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, iyo wakiillada dowladaha Maryakanka, Britain iyo Shiinaha.

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbaddeeda ku sheegtay in is-afagaradkii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ay falcelis xooggan oo diidmo ah ka dhalisay Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay tahay wax laga walaaco in argagixisadu ay ka faa’iidaysanayso xaaladdani si ay dad u qorato.

Marwo Catriona Laing waxay sii adkaysay hadalkii Xoghaya Guud ee QM Antonio Guterres, kaasi oo sheegay in Golaha Amaanka ee QM ay ixtiraamayso madaxbannaanida dhuleed iyo midnimadda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay galaan wada-hadal nabadeed oo waxtar leh iyo inay ka fogaadaan hurinta erayada ama ficilada sii kicin kara xiisado  colaadeed.

Wakiillada dowladaha Maraykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa dhankooda mar kale ku celiyey inay dawladahoodu taageerayaan madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo dood ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this