Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo sheegay in 6 qof loo xidhay muwaadin reer Somaliland ah oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdinasir Muuse Dahable, oo katirsanaa Shaqaalaha Hay’adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya, kaasoo Muqdisho ka hawl galayay ayaa xalay meydkiisa laga helay gurigii uu ka daganaa Muqdisho.

Sarkaalkan ayay wararku sheegayaan inuu u geeriyooday jidhdil loo geystay.

Booliiska Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida sarkaalkan ayaa sheegtay in Lix Eedeysane loo soo xidhay dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse oo 32-jir ahaa, kaasi oo Meydkiisa laga helay hoygiisa.

Booliiska ayaa sheegay inuu sameeyeen baadhitaan ayna hayaan caddeymo laga helay goobta uu falku ka dhacay.

Ninkan ayaa dhawaan kasoo laabtay waxbarasho dibada ah oo la xadhiidhay cilmiga Hagidda Hawada, isagoo hore uga mid ahaa Shaqaalaha ICAO qeybteeda Hargeysa balse xukuumadda Somaliland shaqada ka caydhisay sannadkii 2019-ka 42 shaqaale ah oo uu ka mid ahaa Cabdinaasir.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this