Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Agaasimihii diyaaradaha Somalia oo meydkiisa laga helay garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_8250.jpeg?fit=650%2C960&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa caawa meydkiisa laga helay guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Salaadii Maqrib ee caawa kadib ayaa meydka ninkaan loogu tegay guri uu ka deganaa gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kadib markii shaqaalihii iyo masuuliyiintii ay shaqo wadaagta ahaayeen ay heli waayeen xiriirkiisa.

Markii uu ka jawaabi waayey taleefanadiisa ayaa la raadiyey, waxaana qolkiisa loogu tegay isaga oo meydka ah oo jirkiisa ay dhaawacyo culus ku yaallaan.

Ilo xog ogaal u ah kiiskaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasimaha lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, wuxuu ahaa nin masuul ah oo ka tirsan hey’adda duulista Soomaaliya, waxayna xubnihii noo waramay meesha ka saareen shakiga ah inuu isagu is dilay.

Cabdinaasir Muuse Dahable wuxuu ka soo jeedaa gobollada waqooyi ee Soomaaliya, wuxuuna ayaa wiil aqoonyahan ah oo dhawaan waxbarasho sare ku soo dhameystay dalalka Jarmalka iyo Ingiriiska.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa, waxaana caawa baaritaan ku bilaabay kiiska oo gurigii tegay laanta dembi baarista ee booliska Soomaaliya, si loo tixraaco waxa sababay geerida marxuumka.

Booliska iyo hey’adda duulimaadyada rayidka oo Agaasime Cabdinaasir uu ka tirsanaa weli war kama soo saarin kiiskaan, waxaana weli socda baaritaano adag oo CID ay bilowday markii la ogaaday geerida marxuumka.

Maalmihii u dambeeyey waxaa jiray khilaaf salka ku haya maamulka hawada Soomaaliya oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dooday in maamulka hawada ay isku koobtay Muqdisho, balse dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada dalka.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hada Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

The post Xog: Agaasimihii diyaaradaha Somalia oo meydkiisa laga helay garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this