Sign in to follow this  
Emperor

Massive support for the Somali Premie, PICS

Recommended Posts

Emperor   

Xaflad Lagu Taageerayo Reysal Wasaaraha Cusub oo ka Dhacday Minneapolis‏ (sawiro)

 

Horseed Media

Minneapolis, USA

 

minneapolis_omarpmXafald si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacda badhtamaha magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota. Xafladaas ayaa ujeedadeeda ahayd soo dhaweyntii R/ wasaaraha cusub mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo xukuumadiisa. Xafladan ayaa waxa lagu so bandhigay barnaamijyo aan horey loo ga baran magaalada Minneapolis, barnaamijyadaas oo ahaa heeso cusub iyo buraanburo ka turjumayey xaflada.

 

Xafladan ayaa wax ka so qayb galay mas’uuliyiinta gobalka Minnesota qaar ka mid ah oo ay horkacayeen mas’uuliyad ka socotay Hennepin Commission, mas’uuliyadan oo ahayd markii ugu horeysey in laga soo doorto gobalka Minnesota ayaa waxa ay aad u soo dhaweysey in Soomalidu yihiin dad furfuran oo isjecel kana qayb qaata doorashada. Sidoo kale waxa isna goob joog ahaa rug cadaaga weyn ee siyaasiga ah ee isna laga soo doorto Hennepin Commission, isagoo hadalkiisii ku furtuy ereyo Soomaali ah. Mas’uulkan ayaa isagu si aad ah ugu dhow soomaalida, jecelna marka kasta in uu wax u qabto.

 

Waxa iyana aan meesha ka maqneyn mas’uuliyiintii ka hadlay xaflada oo ereyo kala duwan ku soo dhaweynayey reysal wasaaraha cusub iyo dowladiisa. Masuuliyiintii meesha ka hadlay ayaa waxa ay hadaladooda u badnaayeen in la taageero dowlada lalana shaqeeyo, iyagoo weliba ku xoojinayey hadaladooda, dowladu waa dowlad dhalinyaro u badan oo welibana ku cusub siyaasada, una baahan in la gacan qabto oo si buuxda loola shaqeeyo. Sidoo kale waxa aan meesha ka maqneyn taageerada dhinaca dumarka oo iyago ka soo jeediyey qudbado muhiim ah iyo weliba iaygoo, mararka qaarkood ay ku luuqeynayeen cayaarta shiribka layiraahdo ee laga ciyaaro waqooyiga muqdisho.

 

Gebogebadii ayaa waxa halkaas ereyo gaaban ka jeediyey mid ka mid ah wasiirada cusub ee dowlada Cumar, magaciisana loo soo gaabiyo Ciro. Ciro, ayaa halkaas kaga warbixiyey marxalada dowlada cusub iyo in dhawaan ay u guuri doonaan magaalada madaxda Soomaliya ee Mugadishu. Xafladan ayaa loogu mahadceliyey dhamaan dhalinyaradii soo abaabushey oo uwada badnaa dhalinyaro aqoonyahano ah iyo dhamaan dadweynihii xafladan ka soo qayb galay maadaama ay cimiladu fiicneyn oo uu baraf da’ayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

muquuno iyo bixin

Maalis iyo hilib

waa ismudanoo

walee magadow

meela kuma samid

Anigu wiilka uma bogin. wadaad aan mahadaay iyo xamar inta u dhaxaysa dhaafin baa wax u yeerinaya :D LOOOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xiin, bahashu wey ku soo raadsatey ma is tiri :D

 

 

This is my fav image todaY at Mogadishu Airport by WFP envoys

WFP10.jpg

 

The baby looks gorgeous smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this