Emperor Posted February 23, 2009 Xaflad Lagu Taageerayo Reysal Wasaaraha Cusub oo ka Dhacday Minneapolis (sawiro) Horseed Media Minneapolis, USA minneapolis_omarpmXafald si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacda badhtamaha magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota. Xafladaas ayaa ujeedadeeda ahayd soo dhaweyntii R/ wasaaraha cusub mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo xukuumadiisa. Xafladan ayaa waxa lagu so bandhigay barnaamijyo aan horey loo ga baran magaalada Minneapolis, barnaamijyadaas oo ahaa heeso cusub iyo buraanburo ka turjumayey xaflada. Xafladan ayaa wax ka so qayb galay mas’uuliyiinta gobalka Minnesota qaar ka mid ah oo ay horkacayeen mas’uuliyad ka socotay Hennepin Commission, mas’uuliyadan oo ahayd markii ugu horeysey in laga soo doorto gobalka Minnesota ayaa waxa ay aad u soo dhaweysey in Soomalidu yihiin dad furfuran oo isjecel kana qayb qaata doorashada. Sidoo kale waxa isna goob joog ahaa rug cadaaga weyn ee siyaasiga ah ee isna laga soo doorto Hennepin Commission, isagoo hadalkiisii ku furtuy ereyo Soomaali ah. Mas’uulkan ayaa isagu si aad ah ugu dhow soomaalida, jecelna marka kasta in uu wax u qabto. Waxa iyana aan meesha ka maqneyn mas’uuliyiintii ka hadlay xaflada oo ereyo kala duwan ku soo dhaweynayey reysal wasaaraha cusub iyo dowladiisa. Masuuliyiintii meesha ka hadlay ayaa waxa ay hadaladooda u badnaayeen in la taageero dowlada lalana shaqeeyo, iyagoo weliba ku xoojinayey hadaladooda, dowladu waa dowlad dhalinyaro u badan oo welibana ku cusub siyaasada, una baahan in la gacan qabto oo si buuxda loola shaqeeyo. Sidoo kale waxa aan meesha ka maqneyn taageerada dhinaca dumarka oo iyago ka soo jeediyey qudbado muhiim ah iyo weliba iaygoo, mararka qaarkood ay ku luuqeynayeen cayaarta shiribka layiraahdo ee laga ciyaaro waqooyiga muqdisho. Gebogebadii ayaa waxa halkaas ereyo gaaban ka jeediyey mid ka mid ah wasiirada cusub ee dowlada Cumar, magaciisana loo soo gaabiyo Ciro. Ciro, ayaa halkaas kaga warbixiyey marxalada dowlada cusub iyo in dhawaan ay u guuri doonaan magaalada madaxda Soomaliya ee Mugadishu. Xafladan ayaa loogu mahadceliyey dhamaan dhalinyaradii soo abaabushey oo uwada badnaa dhalinyaro aqoonyahano ah iyo dhamaan dadweynihii xafladan ka soo qayb galay maadaama ay cimiladu fiicneyn oo uu baraf da’ayey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted February 23, 2009 One of Somalia's greatest musicians, Ahmed Ali Egaal Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 23, 2009 Waryaa camerada naga duw Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted February 23, 2009 muquuno iyo bixin Maalis iyo hilib waa ismudanoo walee magadow meela kuma samid Anigu wiilka uma bogin. wadaad aan mahadaay iyo xamar inta u dhaxaysa dhaafin baa wax u yeerinaya LOOOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted February 23, 2009 Xiin, bahashu wey ku soo raadsatey ma is tiri This is my fav image todaY at Mogadishu Airport by WFP envoys The baby looks gorgeous Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted February 23, 2009 This is my favourite pic. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted February 23, 2009 LOL@XIIN Quote Share this post Link to post Share on other sites